Daacish Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyadii Ka Dhacay Sri Lanka

0
Tuesday April 23, 2019 - 21:57:34 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyadii Ka Dhacay Sri Lanka

    Wakaalladda Wararka u faafisa Daacish ee AMAQ ayaa sheegatay inay iyagu ka dambeeyeen Weeraradii Is-qarxinta ee maalintii Axadda ee la soo dhaafay lala beegsaday Kaniisado iyo hoteeelo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kolombo, oo ay 321-qof ku geeriy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaalladda Wararka u faafisa Daacish ee AMAQ ayaa sheegatay inay iyagu ka dambeeyeen Weeraradii Is-qarxinta ee maalintii Axadda ee la soo dhaafay lala beegsaday Kaniisado iyo hoteeelo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kolombo, oo ay 321-qof ku geeriyootay, halka in ka badan 500 oo kalena ku dhaawacmeen.

Daacish waxay kaloo sheegeen in Dagaalamaayaal ka tirsan Kooxdooda qaadeen weeraradaasi oo lala beegsaday xubno ka tirsan Isbahaysiga Maraykanka iyo dadka Kirishtaanka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Wasiirka caafimaadka, ahna afhayeenka Dowladda dalkaasi, ahna Afhayeenka Dowladda Sri Lanka, Rajitha Senaratane ayaa sheegay in xubnihii fuliyey Is-qarxinta inay dhamaantooda ahaayeen Muwaadiniin u dhasahy Sri Lanka, iyadoo la tuhunsan yahay inay Kooxda Tawxiit Jamaatha ka dambeeyeen weeraradaasi.


Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay sheegeen in la xiray ilaa 40 Eedeysane, oo uu ku jiro Dareewalkii waday gaarigii ay adeegsadeen kooxihii fuliyey qaraxyadaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip