Kalluumeysato U Dhalatay Hindiya Oo La Sii Daayey

0
Tuesday April 23, 2019 - 21:21:59 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalluumeysato U Dhalatay Hindiya Oo La Sii Daayey

    Dowladda Pakistan waxay shalay oodda ka qaaday in ka badan 100 Kalluumeysato Hindi ah, kuwaasi oo la qabtay, xilli ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xuduud-baddeedka Pakistan. Sii-dayntooda ayaa lagu micneeyey Niyad Wanaajin, waxaana Kal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Pakistan waxay shalay oodda ka qaaday in ka badan 100 Kalluumeysato Hindi ah, kuwaasi oo la qabtay, xilli ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xuduud-baddeedka Pakistan. Sii-dayntooda ayaa lagu micneeyey Niyad Wanaajin, waxaana Kalluumeysatada lagu wareejiyey Mas'uuliyiinta Hindida ee ku sugan goobta laga tallaabo Xuduudka ee Wagha ee u dhexeysa labada Waddan.

 
Idaacadda Express News ayaa sheegtay in Kalluumeytadaasi la sii daayey ay yihiin qeybtii 3-aad ee Kalluumeystada Hindiya ee bishan laga sii daayey Xabsiyadda dalka Pakistan.
Bilowgii bishan, Dowladda Pakistan waxay ku dhawaaqday in la sii dayn doono 355 Kalluumeysato Hindi ah iyo 5 Maxaabiis, kuwaasi oo dhamaystay xabsigi ilagu xukumay.

Kalluumeysatada Hindida ee ku harsan Xabsiyadda Pakistan waxaa la filayaa in la sii daayo bishan April 29-da.

Tallabadaasi waxaa soo dhaweeyey dadka u ololeeya Nabadda, iyadoo ay dalalka Pakistan iyo Hindiya bsihii Feberaayo isweydaarsadeen duqeyn dhanka cirka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip