Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirkii Magalada Nairobi

0
Tuesday April 23, 2019 - 10:42:50 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirkii Magalada Nairobi

    Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay Shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee dalka, shirkaas oo ay kasoo sareen qodobo ay ku dhaliilayeen dowladda Fede

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay Shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee dalka, shirkaas oo ay kasoo sareen qodobo ay ku dhaliilayeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo shirkaasi ka hadlayey ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta ka qeyb gashay shirka Magaaladda Nairobi in aysan ku fogaan mucaarad nimadda .

Waxa uu sheegay Wasiirka in Dowladda Soomaaliya ay haatan wado isku raadin dadka Soomaaliyeed laakiin mucaaradka ku shiraya dalka dibadiisa looga baahan yahay in aysan orodka ka badin hadii aysan ka tanaasuleyn mucaaradnimada.

Ugu dambeyn Wasiirka Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in siyaasiyiinta hanka hoggaamineed leh in ay dowladda soo hor fariistaan,isla markana ay ka wada hadlaan Soomaali ahaan masaalixda Ummadda Soomaaliyeed wax walbana dhameeyaan.

Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ku shiray Nairobi ayaa qodobadii ay oo saareen waxaa ka mid ahaa inay qabsan doonaan shirweyne ay ku doonayaan inay kusoo dhisaan xukuumad Cusub ,iyaga oo ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya inay fashilantay,waxaana badi ay ahaayeen kuwo xilal kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray.

Audio Player


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip