Dhageyso:-Xildhibaan sheegay inay Soomaaliya u dhisayaan Xukuumad Cusub

0
Tuesday April 23, 2019 - 03:04:52 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Xildhibaan sheegay inay Soomaaliya u dhisayaan Xukuumad Cusub

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay dhisayaan xukuumad Cusub,isaga oo ku eedeeyey Xukuumadda hadda jirta inay fashilantay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay dhisayaan xukuumad Cusub,isaga oo ku eedeeyey Xukuumadda hadda jirta inay fashilantay.

Waxa uu sheegay hadii xukuumadda Soomaaliya ay diido ama uu qabsoomi waayo shirka Bisha Jun ee looga hadlayo maqaanka Caasimadda ay deegaano kale ku qabanayaan,sidoo kalena ay Xukuumad Cusub dhisayaan.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay ka shaqeyn weysay amniga dalka,isla markaana Shacabka Magalada dhibaatooyin horleh ay u horseeday,waxaana uu sheegay in afar qof oo heshiis ah aysan waxba qaban karin.

"Madaxweynaah iyo Ra’iisul Wasaraha waa ay isku qoslaan, Wasiiradu Ra’iisul Wasaaraha ayay u nacab leeyaan laakin dalak wax micno ah uguma fadhiyo,marka waxana talo ugu soo jeedineynaa Madaxweynaha in uu isbedel sameeyo isaga ayay talada la go’daa ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka mid ah xildhibaanada aad u dhaliilsan Siyaasada ay ku Shaqeyso dowladda Soomaaliya,waxaana lagu xasuustaa in sidaan oo kale uu u dhaliili jiray dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Audio Player
 
00:00
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip