SAWIRRO: Isbedelka Balaaran Oo Lagu Sameeyay Hoggaanka Xisbiga Wadajir & Xisbiyo Ku Biiray

0
Tuesday April 23, 2019 - 02:56:32 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Isbedelka Balaaran Oo Lagu Sameeyay Hoggaanka Xisbiga Wadajir & Xisbiyo Ku Biiray

    Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa shir u dhowaan ku yeeshay magaalada Nairobi ku ballaariyay xubnaha Xisbiga, iyadoo dib u qaabeyn ku sameeyay Golaha Fulinta Xisbigan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa shir u dhowaan ku yeeshay magaalada Nairobi ku ballaariyay xubnaha Xisbiga, iyadoo dib u qaabeyn ku sameeyay Golaha Fulinta Xisbigan.

Xisbigan oo saddex xubnood kaliya laga yaqaanay, kana dhex muuqdeen sanadihii u dambeeyay ayaa haatan is bedel lagu sameeyay, iyadoo la kordhiyay xubnaha Golaha Fulinta.

Guddoomiyihii Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale ayaa xilka laga qaaday, waxaana xilka Guddoomiyaha loo magacaabay Saciid Cabdi Muuse Baalle.

Sayid Cali Macalin Cabdulle ayaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga, isagoo laga qaaday xilkii Xoghayaha Guud.

C/fataax Ibraahim Geesey oo ah Xildhibaan iyo Wasiir hore ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, halka C/weli Ibraahim Garyare uu yahay Kuxigeenka Xoghayaha Guud.

Xubnaha cusub ee ku soo biiray Xisbiga ayaa waxaa isugu jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Xildhibaano hore iyo xubno dhalinyaro ah, waxaana tani loo arkaa mid wax ka bedeleysa hanaankii uu horay u dhisnaa Xisbiga ee ku koobneyd saddexda xubnood kaliya.

Wadajir.. 696x522
Wadajir.. 696×522
Wadajir. 1
Wadajir. 1
Wadajir. 696x522
Wadajir. 696×522



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip