Bangiyadda Europe Oo Laga Yaabo Inay Maal-Geliyaan Garoon Diyaaradeed Cusub

0
Monday April 22, 2019 - 21:35:36 in Wararka by
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiyadda Europe Oo Laga Yaabo Inay Maal-Geliyaan Garoon Diyaaradeed Cusub

    Dowladda Jabuuti waaxay wada-xaajood la leedahay Bangiyo ku yaalla Qaaradda Europe, si ay u maalgeliyaan Garoon Diyaaradeed oo cusub, kadib, markii ay kansal-garaysay Qandaraas la siiyey Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha. Madaxda Dekedda Badda Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Jabuuti waaxay wada-xaajood la leedahay Bangiyo ku yaalla Qaaradda Europe, si ay u maalgeliyaan Garoon Diyaaradeed oo cusub, kadib, markii ay kansal-garaysay Qandaraas la siiyey Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha. Madaxda Dekedda Badda Cas ee Jabuuti ayaa laga soo xigtay inay wada-xaajood kula jiraan Bangiyo Reer Europe, si ay ugu heshiiyaan dhismaha Garoonka Cusub.

 
Bangiga Horumarinta Jarmalka The German Development Bank, ee loo yaqaano KfW ayaa la sheegay inuu ugu horreeyo Kooxaha doonaya maalgashigaasi , si uu u bixiyo 420 million oo Dayn Ganacsi o olagu fulinayo Mashruuca Garoonkaasi.

Guddoomiyaha Dekedaha Jabuuti iyo Deegaanadda Free Zone-ka, Abuubakar Cumar Haddi ayaa ku sheegay hadalkaasi mar uu Wareysi bixiyey, wuxuuna tilmaamay inaan weli heshiiska la dhamaystirin.



Garoonka hadda loo raadinayo Lacagaha Daynta ayaa la sheegay in laga dhisi doono magaalladda Cali Sabiix oo ah magaalladda labaad ee ugu weyn dalka Jabuuti, kuna taalla meel ku dhow xuduudka dalka Ethiopia.

Garoonka oo yeelan doona Labo dhabo (runways) oo ay diyaaraduhu ku soo degaan, kana kacaan oo uu midkiiba dherekiisu dhan yahay 4.2 KM, Adeeg Dhismaha Xamuulka, Terminal ay Rakaabka adeegsadaan.

Kharajka Lacagaha Deynta lagu dhisi doono Garoonka cusub, waxaa al doonayaa in la bixiyo muddo 15-sanno oo ay la socoto x3 sanno oo muddada fasaxa ah.

Dhiinaca kale, Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheynaysaa in Garoonka Calaamiga ee Ahmed Dini International Airport laga dhiso 7-da jesiiradooda ee waalaalaha ah ee kaabiga ku haya Gacan-biyoodka Baabul-mandabka oo ay adeegsadaan Maraakiibta Calaamiga ee isku xira Kanaalka suweys iyo Badweynta Hindiya.ga dhisayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip