Muwaadin Soomaali Oo Ku Nool Britain Oo La Xukumay

0
Monday April 22, 2019 - 21:13:14 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali Oo Ku Nool Britain Oo La Xukumay

    C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo 42-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamadda Old Baily ee magaalladda Londdon, isagoo lagu soo oogay inuu Kombiyuutarkiisa ku soo degsaday ama ku soo download-gareystay Xeeladaha dagaal ee Kooxda Daacish iyo weeraradda ay Min

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo 42-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamadda Old Baily ee magaalladda Londdon, isagoo lagu soo oogay inuu Kombiyuutarkiisa ku soo degsaday ama ku soo download-gareystay Xeeladaha dagaal ee Kooxda Daacish iyo weeraradda ay Mindiyaha u adeegsadaan iyo inuu sheegay inuu jecel yahay Daacish. Eedeysanaha oo ku nool Deegaanka Northolt ee Galbeedka London waxaa la sheegay in sannadkii 2017-kii lagu qabtay Dukumentiyo la sehegay inay waxtar u leeyihiin shaqsi isku diyaarinaya inuu geysto weerar Argagixiso, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u sheegeen Maxkamadda. Garsoore Philip Katz waxa uu fasiray inuu Eedeysanaha danaynayey Dhaqdhaqaaqyadda Kooxda Daacish ee gudaha somalia, taasi oo la micno ah inuu garwaaqsaday inuu naftiisa khatar geliyo.

 

mar sii horreysay, Dacwaad-ooge Kelly Brocklehurst waxa uu tilmaamay inay Sarakaiisha Boliska baareen guriga Eedeysanaha bishii July 21-dii ee sannadkii 2017-kii, kana soo heleen  2 Laptop, hal Mobayl nooca Samsung Galaxy iyo Xusuus-kaydiyaha USB Memory Stick.Garsooraha waxa kale oo uu sheegay inuu Eedeysanaha sii waday inuu soo degsado Muuqaallaadda Kooxda Daacish  iyo Wargeyskooda Rumiyah magazine.

Dacwad-oogaha waxa kale oo uu Maxkamadda ka hor sheegay in qaar ka mid ah Muuqaalladad Video-ga ka koobnaayeen qoor-goyn, maydad iyo dad la tooganayey.

Ugu dambeyntii, Garsooraha Maxkamadda Old Bailey  waxa uu Eedeysanaha, C/raxmaan C/llaahi Maxamed oo Aabe  u ah 2 carruur ku xukumay 15 bilood oo xabsi ah, wuxuuna cafis dalban kara marka uu dhamaysto kala-bar muddada lagu xukumay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip