Halka lagu Maxkamadeynayo Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo la shaaciyey

0
Monday April 22, 2019 - 21:02:26 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halka lagu Maxkamadeynayo Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo la shaaciyey

    Weli waxaa Maxkamad lasoo taagin Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo dhawaan Ciidamada Soomaaliland kasoo xireen Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, hayeeshee waxaa haatan la shaaciyey halka lagu Maxkamadeynayo Wariyaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weli waxaa Maxkamad lasoo taagin Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo dhawaan Ciidamada Soomaaliland kasoo xireen Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, hayeeshee waxaa haatan la shaaciyey halka lagu Maxkamadeynayo Wariyaha.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliland ayaa go’aamiyey in Dacwada loo heysto Wariye Cabdi Maalik Coldoon lagu qaado Maxkamadda gobolka maroodi-jeex sida uu sheegay garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil.

Maxkamada gobolka maroodi-jeex oo dhawaan la horgeeyey Wariye Coldoon ayaa diiday inay qaado dacwada loo heysto, iyada oo ku dooday in lagu celiyo halkii lagas oo qabtay ee Magaalada Burco lana saaro Maxkamada Magaaladaas.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta iyo booliska Soomaaliland ayaa ugu dambeyn waxa ay go’aamiyeen in dacwada loo heyso Wariye Cabdi maalik coldoon lagu qaado Magalada Hargeysa sababo la xiriira dhinaca Amniga, taas oo la filayo inay dhawaan bilaabato.

Wariye Cabdi Maalik Coldoon ayaa horay xilligii Soomaaliland uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la xiray, iyada oo xukun lagu riday wallow markii dambe lagu soo daayey cafis Madaxweyne.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip