Wasiir Yuhuudi Iyo Dad Kale Oo Xoog Ku Galay Masjidka Al-Aqsa, Si Ay Ugu Dabaal-Degaan

0
Monday April 22, 2019 - 20:58:58 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Yuhuudi Iyo Dad Kale Oo Xoog Ku Galay Masjidka Al-Aqsa, Si Ay Ugu Dabaal-Degaan

    Wasiirka Beeraha ee Yuhuudda, Uri Aryel oo ay wehliyaan ila 170 Yuhuudda xoogga lagu dejiyey dhulalka la-haysto ee Reer Falastiin waxay maanta xoog ku galeen Masjidka Al-aqsa ee Bariga magaalladda Quddus-ta L-haysto. Sarkaal u hadlay Maamulka Falast

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Beeraha ee Yuhuudda, Uri Aryel oo ay wehliyaan ila 170 Yuhuudda xoogga lagu dejiyey dhulalka la-haysto ee Reer Falastiin waxay maanta xoog ku galeen Masjidka Al-aqsa ee Bariga magaalladda Quddus-ta L-haysto. Sarkaal u hadlay Maamulka Falastiin ayaa sheegay in Wasiirkaasi iyo dadkii la socday ay Masjidka Al-aqsa ku dhigteen Dabaaldegga dadka Yuhuudda ee Passover.

 
Askar ayaa gelbinaysay Wasiirka iyo dadkii la socday, waxayna Kooxaha Yuhuudda ugu baaqeen Taageerayaashooda inay ku kulmaan dhismaha Masjidka Al-aqsa muddada halka 7-aad ee ay u dabaal degayaan Munaasabad-diimeedkooda ee Passover.

Sannadkii la soo dhaafay, xilligan oo kale, in ka badan 1,500 qof o oYuhuudda la dejiyey dhulalka la-haysto ee Reer Falastiin waxay xoog ku galeen Dhismaha Masjidka Alaqsa oo ay ku sugnaayeen muddadii ay socotay dabaal-degooda.

Yuhuudda waxay qabsadeen Bariga magaalladda Quddus muddadii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee sannadkii 1967-kii, balse waxay sannadkii 1981-kii sheegteen inay Quddus tahay Caasimadda Yuhuudda, balse tallaabadaasi marnaba ma aqoonsanin Beesha Caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip