QM Oo Bixisay Mushaaraadka Ciidanka Kenya Ee Ka Howlgala Soomaaliya

0
Monday April 22, 2019 - 20:54:02 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM Oo Bixisay Mushaaraadka Ciidanka Kenya Ee Ka Howlgala Soomaaliya

    QM ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia siiyeen lacag dhan 3.75 Billion oo Shillinka Kenya ah. Shabakadda Wararka ee businessdailyafrica.com ayaa qortay inay QM dib-u-bixin u sameeyeen Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia, iyadoo ay QM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia siiyeen lacag dhan 3.75 Billion oo Shillinka Kenya ah. Shabakadda Wararka ee businessdailyafrica.com ayaa qortay inay QM dib-u-bixin u sameeyeen Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia, iyadoo ay QM bishii hore bixisay lacagtaasi oo qeyb ka ah sannad Maaliyadeedka haatan oo ku ekaan doonta bisha June ee soo socota.

 
Dukumentigii u dambeeyey ee Macaamilka Lacageed ee Wsaiirka Maaliyadda Kenya, Henry Rotich waxa uu muujiyey Dib-u-soo celinta Lacagaha Hawlgalka AMISOM gaartay 3.757 Billion oo Shillinka Kenya bishii March ee la soo dhaafay 29-da.

Maaliyadda Kenya ayaa la sheegay inay heleen oo keliya lacag dhan 10.20 million ee Shillinka Kenya ilaa bishii Feberaayo, taasi oo micnaheedu yahay in dib-u-bixintaasi la micno tahay in la bixiyey Rubuc, iyadoo dowladda Kenya walaac ka muujisay arrintaasi.

Lacagaha ay QM dib u soo celisay bishii March waxay gaartay 44.2% ee sannadkan, iyadoo ay labo bilood iyo bar laga gudbay.

Wadarta guud ee Lacagaha la bixiyey saddexda rubuc waxay gaaraysaa 922.87 million oo Shillinka Kenya, taasi oo aad uga yar marka la barbar dhigo lacagihii 4.68 Billion oo Shillin ee la bixiyey xilligan oo kale sannadkii hore ee 2018-kii.

Dowladda Kenya waxay QM ka codsanaysaa inay lacag badan dib u soo celiyaan sannadkan, iyadoo miisaaniyadda QM ee afartii sanno ee la soo dhaafay ahayd 6.1 Billion oo Shillinka Kenya.

4,000 oo Askar Kenyan ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay Beesha Calaamka Askari kasta oo ka tirsan AMISOM bishiiba mushaar ahaan u siiyaan lacag dhan 1,028 Dollar, iyado oay Dowladaha ay ciiddankaasi ka soo jeedaan ay Askari kastaba mushaarkiisa ka jartaan 200 Dollar bil kasta.

Ciiddanka qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay ka soo kala jeedaan dalalka Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya iyo Sierra Leone.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip