SAWIRO:-Siyaasiyiin & Xildhibaano mucaarad ah oo shir uga furmay Nairobi

0
Monday April 22, 2019 - 20:11:15 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Siyaasiyiin & Xildhibaano mucaarad ah oo shir uga furmay Nairobi

    Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa Maanta shir uga furmay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Shirkaan oo ka socda Hotelka Pan Afr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa Maanta shir uga furmay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya. Shirkaan oo ka socda Hotelka Pan Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka uu xilligaan marayo,waxaana Xubnaha ugu caansan ee shirkaas ka dhex muuqday uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed.

Si kasta shirkaan Maanta Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uga furmay Siyaasiyiin & Xildhibaano mucaarad ku ah dowladda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Kenya ay shir ku wada qaateen Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland iyo Wakiilo ka socday Beesha Caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip