Dibadbaxayaasha Suudaan oo xiriirka u jaray guddiga milatariga

0
Monday April 22, 2019 - 09:22:27 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbaxayaasha Suudaan oo xiriirka u jaray guddiga milatariga

    Dibadbaxayaasha ayaa weli ku sugan magaalada Khartuum Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada Suudaan ayaa sheegay inay xiriirka u jareen guddiga milatariga ee beddelay hoggaamiyihii xilka laga tuuray ee Cumar al-Bashir. Waxay ku eedeeyeen inay yihiin hara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibadbaxayaasha ayaa weli ku sugan magaalada Khartuum Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada Suudaan ayaa sheegay inay xiriirka u jareen guddiga milatariga ee beddelay hoggaamiyihii xilka laga tuuray ee Cumar al-Bashir. Waxay ku eedeeyeen inay yihiin haraadiga xukuumaddii al-Bashir.

SudanLahaanshaha sawirkaAFP Image caption

Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa kulan isugu yimid bannaanka xarunta ciidammada ee magaalada Kahrtuum, si ay ugu dhawaaqaan guddi rayid ah iyagoo doonaya in xilka lagu wareejiyo.

Milatariga ayaa sheegay inay ka go`antahay inay xilka wareejiyaan isla markaana ay ka fekeri doonaan guddi isugu jira milatari iyo rayid.

Si kastaba, afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Mohamed al-Amin ayaa sheegay inay haatan guddiga milatariga u arkaan mid lagu sii dheereynayo muddada taliskii hore isla markaana ay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dibadbaxyada.

Maxay madaxda dibadbaxayaashu qorsheynayaan?

Ololaha meesha looga saaray Mr Bashir ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Xirfadleyda Suudaan ee SPA.

Ururka ayaana ka dambeeyay ku dhawaaqitaanka guddiga.

SPA ayaa shalay wadahadallo la yeelatay guddiga milatariga.

Xubin sare oo SPA ka tirsan laguna magacaabo Ahmed al-Rabia ayaa hore u sheegay in laga yaabo inay dib u dhigaay magacaabidda guddiga balse wuxuu maanta xaqiijiyay in ku dhawaaqitaanka laga sameynayo halka ay dibadbaxyadu ka dhacayaan.

Dibadbaxayaasha ayaa doonaya in guddigu uu dhiso dowlad ku meel gaar ah, oo xilka sii haysa ilaa ay doorasho ka dhacayso.

Muxuu milatarigu sameyn doonaa?

Waxay maanta sheegeen inay muddo toddobaad ah kaga jawaabi doonaan baaqa ah in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah, iyagoo xusay in laga yaabo inay door bidaan xukuumad isku dhaf ah.

Sidey arrinta ku bilaabatay?

Bishii December 2018, dowladda ayaa isku dayday inay wax ka qabato xaaladda dhaqaale ee dalkaas oo sii xumaaneysay iyadoo soo rogtay talaabooyin adag.

SudanLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionCumar al-Bashir ayaa waxaa xilka ka tuuray milatariga dalkaas kaddib bilooyin ay dibadbaxyo socdeen

Dhimis ay dowladdu ku sameysay lacagihii ku bixi jiray rootiga iyo shidaalka ayaa sababay mudaaharaadyo bariga dalkaasi ka bilowday oo looga cabanayo maciishadda, balse dibadbaxyada ayaa ku sii fiday magaalada Khartuum.

Dibadbaxyada ayaa si degdeg ah isugu beddelay dalabaad ku aaddan in meesha laga saaro Cumar al-Bashiir, oo muddo 30 sano ku dhowaad xukumayay Suudaan.

Milatariga Suudaan ayaa Mr Bashir xilka ka qaaday 11-kii April, balse dibadbaxayaasha ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan bannaanbaxyada ilaa laga dhiso dowlad rayid ah.

XIGASHO;BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip