Colombia: Dhul go'ay oo galaaftay nolosha dad badan

0
Monday April 22, 2019 - 09:15:20 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colombia: Dhul go'ay oo galaaftay nolosha dad badan

    Ugu ayaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dhul ku go'ay koonfurta-galbeed ee Colombia Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Shan ruux oo kale ayaa ku dhaawacan tay, guryo badan ayaana ku burburay magaalada Rosas oo ka tirsan gobolka Cauca. Dhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu ayaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dhul ku go'ay koonfurta-galbeed ee Colombia Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Shan ruux oo kale ayaa ku dhaawacan tay, guryo badan ayaana ku burburay magaalada Rosas oo ka tirsan gobolka Cauca. Dhul go'itaankan ayaa dhacay maalmo ka dib markii ay halkaas ka da'een roobab mahiigaanno ah, xukuumadda ayaana wadda dadaalo burburka looga dhex baarayo dad nool.

A rescue worker searches for victimsLahaanshaha sawirkaAFP 


Dhulku in uu go'o ayaa caadi ka ah dalka Colombia ee Laatiin Ameerika ku yaalla, gaar ahaanna wakhti roobaadka.

Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa Axaddii booqday magaalada, saxafiyiintana wuxuu u sheegay in gargaar caafimaad iyo deegaamayn kale loo qorsheeyay dadka uu saameeyay dhulkan go'ay.

A member of the Colombian Red Cross and his dog, Gretta, search for victims amid dollsLahaanshaha sawirkaAFP
Members of the civil defense and firefighters search for victimsLahaanshaha sawirkaAFP
Residents search for survivorsLahaanshaha sawirkaAFP
A man shows a Christ found in the mud after a landslideLahaanshaha sawirkaAFP
Firefighters and members of the army and Civil Defense look for survivorsLahaanshaha sawirkaEPA
XIGASHO:- BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip