HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 22-KA ABRIIL 2019-KA

0
Monday April 22, 2019 - 08:57:14 in Wararka by
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 22-KA ABRIIL 2019-KA

    GUDDIYADA JOOGTADA GOLAHA SHACABKA IYO BAARLAMAANKA PUNTLAND OO KULAN UGA SOCDO Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya Guddiga joogtada Golaha Shacabka iyo Xubno ka socda Guddiga joogtada Golaha Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDIYADA JOOGTADA GOLAHA SHACABKA IYO BAARLAMAANKA PUNTLAND OO KULAN UGA SOCDO Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya Guddiga joogtada Golaha Shacabka iyo Xubno ka socda Guddiga joogtada Golaha Wakiilada Puntla nd oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Muqdisho. Ajnaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay : Aqoon iyo waayo aragnimo iswaydaarsi guddiga joogtada Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland, iyada oo shalay kulan horudhac ah uu ka dhacay Magalada Muqdisho. Mudada uu socdo kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay isweydaarsan doonaan shaqooyinka labada baarlamaanka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac,waxaana kulanka uu socon doonaa mudo Saddex cisho ah. Waa markii ugu horeysay oo Shir noocaan oo kale ah uu dhexmaro Guddiyada joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wakiilada Puntland oo maalmihii la soo dhaafay safar Shaqo u joogay Magalada Muqdisho.

 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHALAY DAAHFURAY SHIRKA CULIMADA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo oo daahfuray Shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen Alshabaab, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen too sinta iyo talosiinta dowladda.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Cul imada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhiba atooyinka dib u dhigay xaqiijinta himiloo yinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa.

mustaf gaaboow "Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay Shalay u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo dib u heshiisiinta, aynuna iftiiminno lana dagaa lanno xagjirnimada oo dhibaato we yn ku haya dalkeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyin ka kala duwan ee Sooma aliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wad ashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shac abka, cul imada iyo dowladda, waxa uuna tilmaamay in sare u qaadi dda dowladwa naagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta caddaaladdu ay aasaas u yi hiin xalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adk eeyey muhiima dda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska Ciidanka Qa labka Sida, taas oo kaalin weyn ay ku le eyihiin culimada iyo ganacsatada Sooma aliyeed, gaar ahaan dhanka taakuleynta iyo wacyi gelinta.

Furitaanka Shirkan waxaa ka soo qayb galay R/Wasaare Kuxigeenka XF S.Md. Mahdi Maxamed Guuleed, Guddomiyaha G/Banaadir Md.Cabdirix maan Cumar Cu smaan, Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa, Wasiir ka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Md.sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo Wasiirro kale oo heer Federaal iyo he er Dowlad Goboleed ah

MUHAARIJIIN KALABAR SOOMAALI AHAA OO LAGU QABTAY GIRIIGGA

Boliska dalka Giriigga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 59 qof oo kala bar Soomaali ahaa, kuwaasi oo lagu tahriibin ayey gaari Xamuul oo watay Taariiko diiw aangashan oo la so oxaday. Shabak dda Wararka ee nov inite.com ayaa qoray inay Boliska gaarig aasi ku joojiyeen Jimc ihii la soo dhaafay Bariga magaalladda Thesaloniki, iyadoo uu gaarigaasi ku saf rayey Taariko ka diiw aan gashan dalka Bulgaria oo la soo xad ay.

Dareewalka gaariga oo u dhashay dal ka Bulgaria waxaa la sheegay in la xiray, ka dib, markii ay Boliska qabteen.

Muhaajiriinta oo tiradoodu guud dham ayd 59 qof oo kala bar Soomaali ahaa, waxay inta kale ka soo kala jeedeen dal alka Sudan, Eritrea, Falastiin, Masar, Iraq iyo Bangaladesh.

Muhaajiriinta oo lagu soo qariyey xamu ul uu waday gaarigaasi waxay u sheege en Boliska inuu mid kasta lacag dhan 1,500 oo EURO siiyey Mukhalasiin joogta gudaha Turkiha, kuwaasi oo iyaga ka tag aeeray inay Dooni ku soo galaan dalka Giriigga, ka hor inta aysan soo raacin gaariga xamuulka ee lagu qabtay

WAFDI KA SOCDAY IGAD OO SHALAY GAARAY JOWHAR.

Madaxweynaha D/G/Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay xaf iiskiisa ku qaabilay la taliye sare dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD ee Somaliya, badda cas iyo Badweynta Hindiya Md. Cabdikariim Maxamed Daahiye oo ga aray xarunta Dowlad Goboleedka Hirshab elle Jowhar, waxaana ay ka wada hadle en arrimo kale duwan.

Madaxweynaha iyo la taliyaha ayaa ka wada hadlay siyaasadda Guud ee dalka iyo xoojinta xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana Mr. Daahiye uu ka hadlay doorka IGAD ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay xaalada abaaraha ka jira deegaa nnada Hirshabeelle iyo sidii loo caawin lahaa dadka saameynta ay ku yee lato ab aarta iyo biyo la’aanta ka jirta, wax aana dhinaca kale uu dul istaagay muhi imada ay u leedahay Hirshabeelle in la gala sha qeeyo arrimaha amniga, islamar kaana la xoojiyo doorka Ciidamada AMI SOM ee xaqiijinta amniga iyo la dagaa lanka arg agaxisada.

La Taliye Sare Wakiilka IGAD ee Soo maaliya Cabdikariim Maxamed Daahiye ayaa sheegay in IGAD mar walbo ay diy aar u tahay in Hirshabeelle ay kala shaqe eyso Horumarinta, iyo dhisida hey’adaha Dowladda, iyo sidoo kale arrimaha bini’ aadanimada sidii looga gacan siin lahaa. .

XUKUUMADDA SOMALILAND KA HADASHAY ARRIMIHII AY KA WADA HADLEEN MADAXW EYNE BIIXI IYO MADAXDA IMAARAADKA

Weftigii madaxweyne Biixi oo Shalay dalka dib ugu soo laabta ayaa sheegay inay arrimaha ay Imaaraadka ka wada hadleen ay ka mid yihiin sidii Baanka dhe xe ee Somaliland loo xoojin lahaa, sidii Hay’ad xoolaha nool u dhoofisa caalamka u wada yeelan lahaayeen Somaliland iyo Imaaraadku iyo sidii argagixisada looga wada dagaalami lahaa.

Sidoo kale, waxa madaarkii Berbera ee saldhiga ka dhisanayeen Imaaraadku ay hadda ku heshiiyeen in diyaaradaha gan acsiga ee shacabkuna ku soo degi karaan oo diyaaradaha militeriga iyo ku wo shacabkuba ay wadaagaan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaa siin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka warbixinaya kulamaddii uu madaxwey nuhu la yeeshay madaxda Imaaraadka waxa uu yidhi "Waxa aad looga wadahadlay iskaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wadahadalkaasi ku saabsanaa.”

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dhinaca horumarka ka wada hadleen, waxaanu yidhi "waxyaalaha kale ee aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa in Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabtu ay si wadajir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqoto’e, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qod obbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland baank eeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaq aalihiisa qayb weyn buu ka yahay baan ku, Baanka, ayaana dalka maaliyad diisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,”

"madaarkii Berbera ee aad maqlayse en inuu markii hore kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanay aan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo ku wa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri”ayuu yidhi farot oon.

ILMIHII YARAA EE LAGA XADAY ISBITAALKA SOS OO DIB ULA MIDOOBEY HOOYADIIS

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soom aaliya ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney gelinkii dambe ee Jimcihii la soo dhaafay Isbitaalka SOS ka xaday Canug yar oo dhalnaa 24 Saacadood.

Ciidamada ayaa howlgal ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir kusoo qabtay Haweeneyda oo marka horey lagu tuhunsanaa inay Canugaas ka xaday Isbitaalka SOS ee ku yaalla Degmada Hiliwaa,iyadoona lala qabtay 4 ruux oo lala xiriirinayo inay ka dambee ye en Kiiskaas,kadib markii Ciidanka lagu wa rgeliyay in gudaha Degmada Hodan ay jo ogto Haweeney looga shakiyay inay sido Canug dhalan.

Xarunta Hay’adaha Dembi Baarista ee CIDda ayaa waxaa la sheegay in lagu xi ray dadkii ay Ciidamada u soo qabteen Kiiska Canuga yar ,kaasi oo la xaday isa ga oo dhalan 24saacadood.

Ayeeyo Xaawo Maxamed Maxamud oo dhashay Hooyada laga xaday Canug yar oo la hadashay Dalsan ayaa u sheegt ay inay aad uga faraxsan tahay in Habe en hore loo keenay Canugeeda oo ka ma qnaa.

" Waxaan ku faraxsanahay in Habeen ho re wiilkeygi la iga xaday uu dhabta uu ii saaranyahay waxaan u mahad cel inayaa intiika qeybygashay dadaalkii la gu helay"

Sidoo kale Ayeeyo Xaawo Maxamed Maxamud ayaa aad ugu mahad celisay Bahda Warbaahinta Dalsan oo kaalin we yn ka qaatay sidii loo heli lahaa Canu gaa yar,isla markaana baahiyay muuqaal ka Hooyo Xaawo oo dalbaneysa inay gar ab lagu siiyo helida Canugeeda.

Isbitaalka SOS ee ku yaalla Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa geli nkii dambe ee Jimcihii la soo dhaafay la gu xaday Canugii yaraa ee la helay,kaasi oo Qoskiisa ka maqna 48Saacado od, waxaana iska kaashaday qabash adiisa Maamulada degmooyinka Hodan iyo Hilwaa.

MADAXWAYNE MUSTAFE CAGJAR OO DEGM ADA RAASO KA DHAGAX DHIGAY KULLIYADA FARSAMADA GACANTA

Madaxwaynaha DDS Mustafe Mu xu med Cumar ayaa socdaal uu ku mar ayay maalmahan gobolada degaanka waxaa uu ku dhagax dhigay mashruuca dhisma ha Kulliyada tab abarada xirf adaha iyo far samada oo laga dhisayo degmada Raa so.

Madaxwaynaha ayaa intuu socdaalka ku jiray wuxuu u kuur galay xaaladda dad ka ku nool degmooyinka gobolka Afdhe er, iyagoo madaxwaynaha uga war bixi yay xaaladda adag ee biyo la'aanta iyo horumar la'aanta ka jirta guud ahaan gob olka Afdheer. Socdaalka Madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu sii socdo isagoo mari doona gobola kale sida Gobolka Shabe elle.

ITOOBIYA”MA JIRI KARTO SABAB AAN BAD LA’AAN U NOQON KARNO”

itoobiya oo sheegtay in aysan ahaan karin bad la;aanDowladda Itoobiya ayaa markii ugu horre ysay Shaacisay in ciidamadeeda badda ee burburay 19 90yadii ay 27 sa no kaddib dib u soo celineyso dha waan na shaqado oda billaabayaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa Muran ba dan oo ku aadan halka ay ka ho wlgali do onaan Ciidanka Bad da Itoobiya, Maada ama aysan la heyn wax bad ah.

Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo ah Taliyaha Ciidanka badda Itoobiya ay aa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku howlan tahay sidi ay u dhisasan lahayd ciidamo bad oo adag. Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneyso waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh islamarkaana qalabki ugu dambeey ey ee ciidamada badda adeegsada."Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca bad da. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay wa ddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno”.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha ba dda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, wa xaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaa rsiiyo 1,000 qof.

XANUUNKA SHUBANKA OO MAGAALADA TALEEX FARO BA'AN KU HAYA 

Xanuunka shubanka ayaa si aad ah u gu sii fidaya magaaladaTaleex ee gobol ka ol, ka dib markii ay adkaadeen heli taanka biyo nadiif ah la cabi karo.

Iimaan Cali Faarax oo ka mid ah hawl wadeenada caafimaadka ayaa waxaa uu u sheegay in abaarta daba dheera atay ay sababtay in la waayo biyo iyadoo cee lashii badankoodii gudheen kuwa kalena ay adkaadeen.

"37 ruux ayaan ogahay oo aan anigu dabiibkooda gacanta ku hayaa, waxaana jira dad badan oo dadkoodu la tacaala yaan" ayuu yidhi Iimaan isagoo intaa raa ciyey in haatan dadka ay magaalada ka saarayaan oo Isbitaalka geynayaan si ay ugu adeegi karo.

Qaar ka mid ah bukaanka shubanku hal eelay ayaa la soo gaadhsiiyey magaalada Laascaanood halka qaar kalena la geeyey magaalada Garoowe caasimada Puntland.

Ma jiro wax dhaqdhaqaaq gurmad ah oo illaa hada ay heleen dadka reer Tale ex waxana ay kula tacaalayaan gurmadka goobaha gaarka loo leeyahay iyo dowo oyin dhaqameed ay ka mid tahay assalka geedka Galoolka sida uu noo sheegey Maxmuud Xasan oo ka mid dadka degaa nkaas haatan ku sugan.

Lama sheegi karo xaqiiqada dhabta ah ee shubankan waxase dadka reer Tal eex ay naawilayaan raxmaad rabi iyo gur mad degdeg ah si loo xakameeyo aafa dan.

SARKAAL KA TIRSANAA SOOMAALILAND OO LAGU DILAY SANAAG

Wararka Naga Soo gaaraya deegaan ka Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa shee gaya in halkaasi lagu dilay Taliye urur oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ee ka howlgala deegaankaasi.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa magaci isa lagu soo koobay G/dhexe Nayjeeri, waxaana dilay askari ka tirsan Ciidankiisa oo muran soo kala dhexgalay inkastoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga helin waxa ay ku murmeen.

Askariga oo isku dayay in uu goobta ka baxsado ayaa isna waxaa halkaasi ku toogtay ciidamada kadib rasaas mudda socotay oo ay is weydaarsadeen isaga iyo ciidamadii la dagaalamayay.

Dad deegaanka ayaa Warbaahinta guda ha u sheegay in cabsi xooggan ay soo ka la dhex gashay ciidamada soomaaliland ee ku sugan deegaanka Yubbe ee Gobal ka Sanaag.

Deegaanka Yubbe ee Gobalka Sana ag ayaa waxaa dhawaan fariisin ka same ystay ciidamo ka tirsan Soomaaliland, iya doona arintaasi ay ka caroodeen Maamu lka Puntland. Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland ayaa xilligan waxaa ay isku horfadhiyaan deegaano hor leh oo

ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag

.


GUDDOOMIYAHA CUSUB EE BANKIGA DHEXE OO SHALAY SI RASMI AH XILKA ULA WAREEGAY

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Bankiga Dhexe ee Somaaliya ayuu Shalay Xilka si rasmi ah kula war eegay Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Sooma aliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

ssuu Guddoomihii hore ee Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise oo ka hadlayay waxyaabihii u soo qabsoomay Bankiga dhexe sanadi ihi la dhaafay ayaa sheegay in haatan uu marayo xilligii ugu haboonaa Madaamada Dhaqaalaha Dalka uu marayo dib u kaba sho sido kale wuxuu bogaadiyay guddoo miyaha Cusub Xilka Culus ee loo ekma day.

Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhe xe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Shaqadii uu soo qabtay guddoomiye Bashiir waxaana she egay inuu ka shaqeynayo sidii dalkaan looga gaarsiin lahaa isku filnaasho.

Dhinaca kale Guddoomiyah Cusub ee Bankiga Dhexe ayaa kulan isbarasho ah la qaatay qaar ka mid ah Shaqalaaha Bankiga dhexe, sidoo kalena laguma Sa gootinayay Gudoomiyhii hore ee Bankiga dhexe, waxaana guud ahaan lagu boga adiyay waxqabadka bankiga dhexe uu u haayo ummada Soomaaliyeed.

Marwo Maryan Cabdullaahi Guddo omiye kuxigeenka Bankiga Dhexe ayaa sheegtay in gacmo furan ay kusoo dhow eynayaan guddoomiyaha, shaqaalahana ay yihiin dhalinyaro Xirfad uleh shaqada Bankiga dhexe.

Guddomiyaha Cusub ee Bankiga dhe xe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa balan qaaday in Shaqo hufnaan leh uu la imaan doono,wuxuuna shaqaalaha ku dhiira geliyay in qof kasta si cadaalad u shaqeeyo.

QODOBO KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA HIRSHABEELLE

xil kala wareejin bangiga dhexe ee soomaaliyaMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare aya Shalay oo Axad ah Shir Guddoomin ayay Shirka Golaha Wasiirada kaas oo lo oga hadlayay arrimo Kale duwan. Shirka todobaadla ah ee Golaha Wasii rada oo ka qabsoomay howlka shirarka ee Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaa lada Jowhar ayaa looga hadlayay mashru uca Midnimada 2 kaasi oo isugu jira xasilin amni dib u heshiisiin iyo wacyigal in. Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Dow la daha Hoose ee Hirshabelle Md. Ma xa med Cali Caadle ayaa golaha sharaxa ad ka siiyay mashruuca midnimo 2 qo rshaya ashiisa iyo muhiimada uu u lee yahay Hirshabelle. Barnaamijka midnimo 2 ayaa ah barnaamij lagu horumarinayo de egaa nada Hirshabelle oo isugu jira hor umarin gar gaar dib u dejin xasilin dib u heshiisiin.

KOONFURTA CAASIMADDA TRIPOLI EE LIIBI YA WAXAA WALI KA SOCDA DAGAALLO XOOGGAN

Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dal ka Liibiya ka dib markii xukuu mad da ay QM. Taag eer to ay ku dha waaqd ay weerar rogaal celis ah oo kadhan ah ciida mada uu hoggaa miyo janar aal Khalifa Xaftar ee duulaan ka ku soo qadaayTripoli.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaqdhaqaa qyo kooban sameynayeen dhinacyada is ku haya gacan ku haynta magaaladaasi Tripoli, waxaana muddada labada usbuuc ah ee ay dagaalada socdeen waxaa ku dhintay qiyaastii 220 qof.

Ciidamada daacadda u ah Janaraal Khalifa Xaftar ayaa billoowgii bishan wee raray xooggan waxa ay ku soo qaadeen magaalada Tripoli oo ay doonayeen in ay maamulkeeda gacanta ku dhigaan.

Maalmo ka hor ayaa rai'salwasaaraha do wladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa cambaareyn adag dusha uga tuuray beesha caalamka.

Fayez alSerraj ayaa cambaareeyay "aa musnaanta ay beesha caalamka ka aam ustay " xoogagga soo weeraray caasim ada Tripoli. Ra'iisal wasaare AlSerraj ayaa BBC u sheegay in dadkiisu ay daree mayaan in beesha caalamku ay meel cidlo ah uga dhaqaaqday. Waxa uu wax laga xum aado ku tilmaamay in golaha am maanka aysan qaadin wax tallaabo ahmaadaama aysan wali isafgarad ka gaarin qaabkii loola tacaali lahaa arrintan faraha ka sii baxaysa.

Xukuumadda midnimada qaran ee ra'I isalwasaare alSerraj ayaa sheegeysa in ay ciidamadeeda duqeymo u geysteen go obala ay magaalada Tripoli ka haystaan ciidamada janaraal Xaftar. Ciidamada daa cadda u ah Jjanaraal Xaftar oo dhawr ja ho ka soo weeraray Tripoli ayaa aad ugu sii siqayay magaalada waxa ayna sheege en in ay qabsadeen garoonka caalamiga ah ee Tripoli. Xigasho: BBC

DABLEY HUBYESAN OO LAGU DILAY WEERAR FASHILMAY OO KA DHACAY SAC UUDIGA

Telefishinka Alarabiya ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay ayaa sheegay in la fashilay weerar ay kooxo hubeysan ku soo qaadeen Saldhig Bolis oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkasi ee Riyadh. 4 dabley ah ayaa lagu dilay weerarkaasi oo ka dhacay Saldhig Bolis oo ku yaalla Degmadda yar ee Zulfi oo 250KM dhan ka W/galbeed kaga toosan caasimadda Riyadh.

Muquaal Video oo la soo dhigay Bar aha Bulshadda ayaa laga arkayey gaari taagnaa bar Kontorool iyo dhiig dhulka ku daadsanaa, iyadoo la maqlayey dhawa aqa rasaasta. Telefishinka Alarabiya wa xa uu sheegay in dableyda weerarka soo qaatay wateen qoryaha darandooriga u dhaca, Bambooyin iyo Bambooyin Batrool ahaa.

Sannadkii hore, tiro ka tirsan Ciiddan ka Ammaanka iyo Muwaadin u dhashay Bangaladesh ayaa lagu dilay weerar lagu so oqaaday Bar Kontorool oo ku taalla ag agaarka Deg. Bureydah, iyadoo weerar kale oo ka dhacay Degmadda Taa’if ee Galbeedka dalkaasi lagu dilay Hal Ask ari.

DHOWR QOF OO LOO XIRAY QARAXYADII KA DHACAY DALKA SRI LANKA

Wasiirka Difaaca ee dalkaasi ayaa she egay in 7 Eedeysane loo xiray qaraxyadii xiriirka ahaa ee ay ku geeriyoodeen kudhawaad 200 oo qof, laguna dhaawacay 400 oo kale.

Qaraxyaddii Shalay ayaana noqday kuwi iugu dhimashada badnaa tan iyo ma rkii uu dhamaaday Dagaalka sokeeye ee dalka Sri Lanka 10sanno ka hor.

Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Ruwan Wijewardena ayaa sheegay inay xireen 7 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug la haayeen qaraxyada lala beegsaday Kan iisado iyo Hoteelo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Kolombo.

Ugu yaraabn 35 qof oo shisheeye ah ayaa ku geeriyootay qaraxyadaasi, iya doo Wakaalladda Wararka AFP sheegtay in Dalxiisayaal u kala dhashay dalalka Maraykanka, Britain, Japan, Holland iyo Portuqiis ku geeriyodoeen Qaraxyadaasi.

Sarkaal ka hawlgala mid ka mid ah Hotee lladda la weeraray ayaa sheegay in Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku dhex qarxiyey dad ku cunteynayey Hot

eelka Kinnaon Garand.

QARIXII 8AAD OO KA DHACAY SRI LANKA IYO BARIHII BULSHADDA OO LA XIRAY

SAWIRO-CUSUB-SRI-LANKA3 Dowladda dalkaasi waxay ku dhawa aqday Bandow, kadib, markii ay 8 qarax ka dhaceen caa sim adda dalka asi ee Kol ombo. Dhismooyin Kan iisado iyo Hotee lo ayaa la beeg sad ay, iyadoo la sheegay in ka badan 140 qof lagu dilay, halka in ka ba dan 500 oo kalena lagu dhawaacay.

Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Ruwan

Wijewardene oo Suxufiyiinta kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Kolombo ayaa sheegay in la soo rogay Bandow socon doonaa 6da maqribnimo ee Sha lay ilaa 6da aroornimo ee berrito oo Isni in ah.

Boliska dalkaasi waxay sheegeen in ay 8 qarax ka dhaceen caasimadda Kol ombo, iyadoo qarixii ugu dambeeyey lala beegsaday Deegaanka Dematagoda ee Waqooyiga Caasimadda.

Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda waxay sheegeen in la xayiray dhamaan Baraha Bulshadda ee gudaha dalkaasi, si looga hortago in lagu faafiyo wararka bo robogaandada iyo in la abuuro qalalaaso.

Shabakadaha Warbaahinadda Bulshadda oo ay ku jiraan Facebook iyo WhatsAppka ayaa la sheegay in gebbi ahaanlaga xayiray gudaha dalkaasi.

Caasimadda dalka Sri Lanka ee Kol ombo waxay Shalay u ahayd maalin weh el u noqotay Qaraxyo, iyadoo inta badan qaraxyadda lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo loogu dabaaldegayey Maalinta ay dadka Kirishtaanka u yaqaano "The Sunday Easter”.

WASIIR BAYLE OO DHAGAX DHIGAY DHISMA HA XARUNTA SADDEXAAD EE WASAARADA MAALIYADDA

Dismaha xarunata Sadaxaad ee was aaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay ta ageerayaan bangiga Aduunka ayaa muh iim u ah helitaanka howlwadeenada wasa aradda Maaliyada xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibka Qaran ee saaran

Wasiirka Maaliyadda ee DFS Md. Cab dirxamaan Ducaael Beyle dhagax dhigay xaruntaan waxa uu ka balan qaaday inay xoojinaynayaan hufnaan Maaliyada isaga oo u mahad celiyay Bangiga aduunka.

”Waxaa farxad inoo ah inaan dhagax dhigno daartii sadaxaad ee wasaaradda maaliyadda waxaan dhawaan xarig ka jar nay daartii labaad oo ay naga taageertay dowladda Sweden oo aan dhawaan u soo guureyno, tan aan Shalay dhagax dhigay no oo dhawaan la bilaabayo waxaana na ga taageeraya dhismaheeda Bangiga Ad uunka waan u mahad celinaynaa, waxa an balan qaadaynaa in shilin walba sidii loogu talagalay uu ku baxo”. ayuu yirii wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray in dalku sameynayo hormar dhinac dhismaha xarumaha muhiimka u ah adee gyada bulshada iyo kaabayaasha dhaq aalaha.

Dhismaha Xaruntaan 3xaad ee wasa aradda Maaliyada Soomaaliya ayaa la ma taanaha xarunta labaad ee wasaaradda oo dhismhaheeda xariga laga jaray bishii November ee sanadkii tagay waxaana xa rumahani dhismahooda gacan ka geysa nayaan horumarinta howlaha maaliyadda iyo adeegyada ay howlwadeenkeedu u qab taan bulshada Soomaaliyeed.

MUWAADINIINTA MASAARIDA KU NOOL GUD AHA SOMALIA OO AAN KA QEYB GELAYNIN CODBIXINTA ISBEDELKA…

Safaaradda Masar ku leedahay caasi madda Somalia ee Muqadisho ayaan ka mid ahayn Safaraadaha Masaarida ee Ca laamka ee ay Muwaadiniintooda ka dhiib anayaan Codbixinta lagu doonayo Isbe del lagu sameeyo Dastuurka dalkaasi, si loo kordhiyo Awooddaha iyo Xilhaynta ee Madaxweyne C/fataax Alsiisii.

Afhayeenka Guddiga Doorashadda Qraanka ee dalka Masar, Maxamuud Alshariif waxa uu sheegay in dhamaan Saf araadaha iyo Qunsulliyadaha Masar ee Caalamka albaabadooda loo furay si ay ugu codeeyaan Muwaadiniinta Masaarida ee ku nool dalalkaasi.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay san Safaaradaha Masar ku leedahay dala lka Somalia, Yemen, Syria iyo Libiya qeyb ka ahayn Dhismayaasha Diplomaasiyade ed ee Masar ee albaabadda loogu furay

inay Muwaadiniinta Masaarida ka dhii btaan Codbixintooda ku aadan Isbedelka Dastuurka, sababo la xiriira xaalladda Am maanka ee dalalkaasi.

Boqolaal Muwaadiniin Masaari ah ay aa ku nool, kana shaqeysta gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo badankooda ah Dipl omaasiyiin, Macallimiin, Dhakhaatiir, shaq aale u shaqeeya Hay’addaha Caalamiga ee fadhigooda yahay Somalia iyo Ganac sato ka dhex shaqeeysa Hawlaha Gana csiga ee Masar iyo Somalia.Codbixinta Is bedelka lagu sameynayo Dastuurka dalka Masar oo bilaabantay bishan April 19da, kuna eg Shalay oo ay bishu tahay April 21da, waxaa ka qeyb galaya Muwaadin iinta u dhashay dalkaasi ee ku nool gud aha iyo dibedda dalkaasi.

si kastaba ha ahaatee, codbixinta Isbedelka Dastuurka Masar haddii lagu guuleysto waxay taasi dhabaha u xaaray saa in Madaxweynaha dalkaasi, C/fataax Alsisi oo xiliisa ku eg yahay sannadka 2020ka uu sii hayn doono ilaa sannadka 2024ka, isla markaana uu mar saddex aad isku soo taagi karo Doorashadda Madaxtinimadda ee la filayo inay dhacdo sannadka 2030ka..

SHIRKA SOO BANDHIGIDDA, DIB U HABAYN TA HAY'ADDAHA MAAMULKA OO KA FURMAY GAROOWE

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daahfuray shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay'addaha dowladda.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wa saaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalliny arada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa wax aa Kusimaha Madaxweynaha ku weheli naayey Wasiirka Wasaaraddaasi, masuul iyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Aga asime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooya da, Agaasimayaasha Hay'addaha Mada xabanaan iyo kuwa Wasaaradaha Dow ladda, Qaryaqaanada Dowladda iyo khu buro kale.

Axmed Karaash oo daahfuray shir ka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu lee yahay shirkani oo socondoona muddo la ba cisho ah, Madaxweynaha ayaa boga adiyey shaqada Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo shirkani kusoo bandhigtay do ormuhiima oo ay ka qaadatay dib u ha baynta shaqaalaha dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland , waxa uu sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad ballaaran xanbaar san, waxa uu tilmaamay in shaqadan ay horay u soo socotey ujeedkuna uu yahay in Wasaarad walba shaqadeeda lagu ja heeyo.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaq aalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Punt land iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday mu hiimadda ay leedahay in dib u habayn, qa abayn iyo dib u casriyayn lagu sameeyo shaqaalaha dowladda, waxaana ay bey aamiyeen in shirkan iyo kuwa kale ee ho ray u qabsoomayba qayb ka yihiin dedaa lada dowladdu ku tayaynayso hay'addaha dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Kuxige enka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay'addaha kala duwan ee dowladda kula dardaarmay inay dhaqangeliyaan arrimaha shirka kasoo baxa, ta as oo meesha ka saaraysa madmadow horay u jiray.

MARY HARPER OO KA CABANAYSA WICITA ANADA AL SHABAAB & FARRIIMAHA AY U SOO DIRAAN

marley harby Tifaftiraha BBCda qaybteeda Afrika Mary Harper ayaa sheegtay in marka ay Al Shabaab wac aan ama farriin ugu dira an Emailke eda ay qarracanto.

Mary oo maqaal dheer ka qortay wic itaa nnada ALSha baab marka ay weerarrada gaystaan ayaa sheegtay in xilliyada ay weerarrada ka wadaan Hoteellada ay soo wacaan una sheegaan in ay dil badan wa daan, kuwa Hotelka ku jirana ay si fiican u leynayaan dadka deggan Hotelka.

Mary ayaa sheegtay in ay qarka u saaran tahay luminta saaxiibadeeda Soomaalida ah, maaddaama wicitaannada Soomaal iya oo dhan ay u heysato in ay yihiin Al Shabaab.

Sababta ugu badan ee ay AlSha baab u wacayaan ayey ku sheegtay in ay tahay in ay sheegtaan mas’uuliyadda wee rar xilligaas socda ama dhamaaday.

Waxaa ay sheegtay in maalinkii ay wac aan 17 illaa 15 jeer, marka ay ka qaban weysana ay Inboxka Emailkeeda, ay ugu diraan farriimo, waxaana ay ka muujisay walaac badan.

Mary ayaa sheegtay in marka ay gaari waddo, ama ay waqti la qaadaneyso qoy skeeda ama ay shaqo ku jirto ay ku adag tahay in ay taleefan ka jawaabto, sidaas darteedna marka ay fursad hesho ku aragto wicitaanno badan oo Soomaaliya ah.

Walwalka ugu weyn ee ay qabto ayaa waxaa ka mid ah in wicitaannadaas ays an ku celin karin xittaa haddii uu yahay qof muhiim u ah, sababta oo ah waxaa ay u heysataa in ay yihiin Alshabaab.

Mary ayaa sheegtay in dhawr jeer ay la kulantay hanjabaadyo dil ah laakiin ma ahayn AlShabaab sida ay sheegtay.

QARAX KHASAARE GEYSTAY OO CIIDANKA AMISOM LAGULA EEGTAY DEEGAANKA TAREEDISHO

Qarax miino oo aad u xoogan ayaa duhurnimadii Shalay waxaa ciidamo ka tir san kuwa Midowga Afrika ee AMISOM la gula eegtay Deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay Miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa qabsa day gaari nuuca dagaalka ah oo ay wat een Konolyada AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa sheegay qaraxa kadib ciidanka AMISOM inay fureen rasa as fara badan oo cabsi iyo argagax ku ab uurray shacabka ka dhawaa aaggaasi.

Khasaare dhaawac ah ayaa ka soo gaaray Laba askari oo ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay Miinada ka kacday ayaa muujinaya burb ur xoogan oo soo gaaray qeyb ka mid ah Laamiga.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Garasbaa ley oo gaaray goobta ayaa sameeyay baa ritaano ku aadan qaraxan, waxayna xaq iijiyeen in dad shacab ah aysan ku wax yeeloobin weerarkan.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada nuucaan oo kale ah la eegta ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku socdaalaya Deegaanada dhaca dule edka Muqdisho

SIRDOONKA KENYA OO HOWLGAL KA FULINA YA GUDAHA SOOMAALIYA

ciidanka Sirdoonka Kenya ayaa isku di yaarinaya in ay howlgal ka fulinayaan So omaaliya sidda ay shaaciyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dowladda Kenya.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay ku raad jooggaan Koox hubeysan oo dhawaan dhaqaatiir u dhalatay dalka Cuba kasoo Afduubtay Magaalada Mandera ee go bolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ballanqaaday in ay dooneyso in ay soo soo furato dhaq aatiirkaasi oo la aaminsan yahay in Koox hubeysan in ay ku heystaan Gudaha Soo maliya. Howlgalka dadkaasi lagu soo furanaayo ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona Ciidanka Sirdoonka Kenya, Mila tariga iyo Booliska.

8 maalmood kahor ayaa Dhakhtar Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa lagu weeraray magaalada Mandhera, iya goo ku sii jeeda goob ay ka howlgalay een, waxaana la diley mid kamid ah ila alada dhakhaatiirta. BOGGA CAYAARAHA

MA TAAS AYAAN KA SUGAYNAA IN AY MAN CITY WAX KA KEENTO, SOLSKJAER HADDA WUU DHINTAY- JAMAAHIIRTA LIVERPOOL OO WALAAC XUN KA MUUJIYAY RAJADII MAN UNITED EE KULANKA MANCHESTER DERBY.

Inta badan way adag tahay in aad aragto taageere Liverpool ah oo rajaynaya in ay Man United guul gaadho, waxaana taas la mid ah jamaahiirta Man United laftooda oo ay adag tahay in aad aragto iyaga oo guul u rajaynaya Liverpool, laakiin waxaa jirta waqtiyo khaas ah oo ay dantu keento in taageerayaal kubbada cagta ahi ay hal maalin siiyaan kooxda ay cadowga isku yihiin iyaga oo ka dhex arkaya guul ay kooxdoodu gaadhi karto.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa rajaynaya in Man United noqoto kooxdii dhibco ka jari lahayd Man City marka ay labada kooxood iskaga hor yimaadaan Arbacada kulanka Manchester Derby oo ka dhici doona Old Trafford, laakiin ceebtii United ka soo gaadhay Everton ayaa walaac ku sii abuurtay jamaahiirta Reds.

Taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay dareenkooda ku aadan in ayna hadda rajo badan ka qabin in Man United ay dhibco ka heli karto kulanka Man City maadaama oo ay ceeb kala soo laabteen Everton isla markaana ay xaalad xun ku soo jireen.

Liverpool ayaa wali u baahan koox Man City dhibco ka goysa si ay koobka Premier league ugu guulaysato Reds waxaana ugu wayn kulanka Man United laakiin hadda waxay jamaahiirta Reds u muuqdaan in ay ka fikiri karaan kulamada Burnley iyo Leicester City oo ay kaga kalsooni badnaan karaan United.

Haddaba qaar ka mid ah taageerayaashii Liverpool ee ka falceliyay kulankii Everton ay xasuuqa u gaysatay Man United ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa inkasta oo ayna suurtogal ahayn in la soo wada koobi karo.

taageere Liverpool ah ayaa soo qoray: "Jamaahiirta Liverpool oo aan anigu ku jiraa waxay rajaynayeen in Man United ay todobaadka soo socda la tacaalayso Man city, waligeed ma dhici doonto”.

Taageere kale oo Liverpool ah ayaa isna soo qoray: ” Waxaan dareensanahay nooc kasta oo qalad ah in aan ka niyadjabsanahay dubayntii Manchester United, laakiin u hadlida taageerayaasha Liverpool waxaanu rajaynaynay in ay asxaan noo samaynkaraan, sababtoo ah Man City ayaa dhibco luminaysa”.

Taageere kale oo Liverpool ah ayaa isna soo qoray: "Bandhiga taas ku salaysan, waxay hadda u muuqataa mid aan dhacayn (in United ay qabto City). Solskjaer si fiican ayaa loo sameeyay si dhab ah ayuuna hadda u dhintay”.

Taageere kale oo Liverpool ah oo u adkaysan kari waayay xaasuuqii Everton ku samasyay kooxdii uu rajada ka qabay ee Man United ayaa yidhi: "Waa marka aad saddex maalmood gudahood aad kooxdan Man United ugu tiirsan tahay in ay Man City garaacdo”.

Fariimo badan iyo falcelin aad u saraysa ayay jamaahiirta Liverpool ka sameeyeen bandhigii musiibada ahaa ee ay Man United kala soo muuqatay Everton waxayna hadda ka walwalsan yihiin in Man United ay awood u yeelan karto in ay xataa barbaro ku qaban karto Man City.

Laakiin wali jamaahiirta Liverpool ayaa rajaynaya in ay Man United isa soo adkayn doonto kulanka Manchester Derby iyaga oo laba sababood u aanaynaya. Marka kowaad waxay aaminsan yihiin in Man United ay isku dayi doonto in ay iska reebto ceebtii iyo waji gabixii kulankii Everton iyo arinta labaad oo ah sidii ay kaalinmaha sare ugu dagaalami lahaayeen.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE

Everton 4 - 0 Manchester United

Arsenal 2 - 3 Crystal Palace

Cardiff City 0 - 2 Liverpool




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip