Xukuumadda Somaliland ka hadashay arrimihii ay ka wada hadleen madaxweyne Biixi iyo madaxda Imaaraadku
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dhinaca horumarka ka wada hadleen, waxaanu yidhi "waxyaalaha kale ee aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ahaa in Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabtu ay si wada-jir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqoto’e, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qodobbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland baankeeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaqaalihiisa qayb weyn buu ka yahay baanku, Baanka, ayaana dalka maaliyaddiisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,”
"madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri”ayuu yidhi farotoon.
Xukuumadda Somaliland ka hadashay arrimihii ay ka wada hadleen madaxweyne Biixi iyo madaxda Imaaraadku
Weftigii madaxweyne Biixi oo maanta dalka dib ugu soo laabta ayaa sheegay inay arrimaha ay Imaaraadka ka wada hadleen ay ka mid yihiin sidii Baanka dhexe ee Somaliland loo xoojin lahaa, sidii Hay'ad xoolaha nool u dhoofisa caalamka u wada yeelan