Sawirro:-Qarixii 8-Aad Oo Ka Dhacay Sri Lanka Iyo Barihii Bulshadda Oo La Xiray

0
Sunday April 21, 2019 - 20:06:58 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Qarixii 8-Aad Oo Ka Dhacay Sri Lanka Iyo Barihii Bulshadda Oo La Xiray

    Dowladda dalkaasi waxay ku dhawaaqday Bandow, kadib, markii ay 8 qarax ka dhaceen caasimadda dalkaasi ee Kolombo. Dhismooyin Kaniisado iyo Hoteelo ayaa la beegsaday, iyadoo la sheegay in ka badan 140 qof lagu dilay, halka in ka badan 500 oo kalena

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda dalkaasi waxay ku dhawaaqday Bandow, kadib, markii ay 8 qarax ka dhaceen caasimadda dalkaasi ee Kolombo. Dhismooyin Kaniisado iyo Hoteelo ayaa la beegsaday, iyadoo la sheegay in ka badan 140 qof lagu dilay, halka in ka badan 500 oo kalena lagu dhawaacay.Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Ruwan
 


Wijewardene oo Suxufiyiinta kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Kolombo ayaa sheegay in la soo rogay Bandow socon doonaa 6-da maqribnimo ee maanta ilaa 6-da aroornimo ee berrito oo Isniin ah.


Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda waxay sheegeen in la xayiray dhamaan Baraha Bulshadda ee gudaha dalkaasi, si looga hortago in lagu faafiyo wararka borobogaandada iyo in la abuuro qalalaaso.
Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay 8 qarax ka dhaceen caasimadda Kolombo, iyadoo qarixii ugu dambeeyey lala beegsaday  Deegaanka Dematagoda ee Waqooyiga Caasimadda.

Shabakadaha Warbaahinadda Bulshadda oo ay ku jiraan Facebook iyo WhatsApp-ka  ayaa la sheegay in gebbi ahaanlaga xayiray gudaha dalkaasi.

Caasimadda dalka Sri Lanka ee Kolombo waxay maanta u ahayd maalin wehel u noqotay Qaraxyo, iyadoo inta badan qaraxyadda lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo loogu dabaal-degayey Maalinta ay dadka Kirishtaanka u yaqaano "The Sunday Easter”.

   



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip