Qarax khasaare geystay oo ciidanka AMISOM lagula eegtay Deegaanka Tareedisho

0
Sunday April 21, 2019 - 19:48:24 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax khasaare geystay oo ciidanka AMISOM lagula eegtay Deegaanka Tareedisho

    Qarax miino oo aad u xooggan ayaa duhurnimadii maanta waxaa ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax miino oo aad u xooggan ayaa duhurnimadii maanta waxaa ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay Miino lagu aasay waddada dhinaceeda ayaa qabsaday gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen Konolyada AMISOM ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay qaraxa ka dib ciidanka AMISOM inay fureen rasaas fara badan oo cabsi iyo argaggax ku abuurray shacabka ka ak dhawaa aaggaasi.

Khasaare dhaawac ah ayaa ka soo gaaray Laba askari oo ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay Miinada ka kacday ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaaray qeyb ka mid ah Laamiga.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Garas-baaley oo gaaray goobta ayaa sameeyay baaritaano ku aadan qaraxan, waxayna xaqiijiyeen in dad shacab ah aysan ku waxyeeloobin weerarkan.

Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada nuucaan oo kale ah la eegta ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku socdaalaya Deegaanada dhaca duleedka Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip