Muwaadiniinta Masaarida Ku Nool Gudaha Somalia Oo Aan Ka Qeyb Gelaynin Cod-Bixinta Isbedelka…

0
Sunday April 21, 2019 - 19:40:38 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniinta Masaarida Ku Nool Gudaha Somalia Oo Aan Ka Qeyb Gelaynin Cod-Bixinta Isbedelka…

    Masar ee Caalamka albaabadooda loo furay si ay ugu codeeyaan Muwaadiniinta Masaarida ee ku nool dalalkaasi. Afhayeenka waxa uu tilmaamay inaysan Safaaradaha Masar ku leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria iyo Libiya qeyb ka ahayn Dhismayaasha Dipl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masar ee Caalamka albaabadooda loo furay si ay ugu codeeyaan Muwaadiniinta Masaarida ee ku nool dalalkaasi. Afhayeenka waxa uu tilmaamay inaysan Safaaradaha Masar ku leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria iyo Libiya qeyb ka ahayn Dhismayaasha Diplomaasiyadeed ee Masar ee albaabadda loogu furay inay Muwaadiniinta Masaarida ka dhiibtaan Cod-bixintooda ku aadan Isbedelka Dastuurka, sababo la xiriira xaalladda Ammaanka ee dalalkaasi.
Safaaradda Masar ku leedahay caasimadda Somalia ee Muqadisho ayaan ka mid ahayn Safaraadaha Masaarida ee Calaamka ee ay Muwaadiniintooda ka dhiibanayaan Cod-bixinta lagu doonayo Isbedel lagu sameeyo Dastuurka dalkaasi, si loo kordhiyo Awooddaha iyo Xil-haynta ee Madaxweyne C/fataax Al-siisii.

Afhayeenka Guddiga Doorashadda Qraanka ee dalka Masar, Maxamuud Al-shariif waxa uu sheegay in dhamaan Safaraadaha iyo Qunsulliyadaha 


Boqolaal Muwaadiniin Masaari ah ayaa ku nool, kana shaqeysta gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo badankooda ah Diplomaasiyiin, Macallimiin, Dhakhaatiir, shaqaale u shaqeeya Hay’addaha Caalamiga ee fadhigooda yahay Somalia iyo Ganacsato ka dhex shaqeeysa Hawlaha Ganacsiga ee Masar iyo Somalia.

Cod-bixinta Isbedelka lagu sameynayo Dastuurka dalka Masar oo bilaabantay bishan April 19-da, kuna eg maanta oo ay bishu tahay April 21-da, waxaa ka qeyb galaya Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi ee ku nool gudaha iyo dibedda dalkaasi.


Si kastaba ha ahaatee, cod-bixinta Isbedelka Dastuurka Masar haddii lagu guuleysto waxay taasi dhabaha u xaaraysaa in Madaxweynaha dalkaasi, C/fataax Alsisi oo xiliisa ku eg yahay sannadka 2020-ka uu sii hayn doono ilaa sannadka 2024-ka, isla markaana uu mar saddexaad isku soo taagi karo Doorashadda Madaxtinimadda ee la filayo inay dhacdo sannadka 2030-ka..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip