Mary Harper Oo Wal Wal Ka Muujineysa Wicitaanada & Fariino Hanjabaado Ah Oo Ka Imaanaya Al-Shabaab

0
Sunday April 21, 2019 - 10:33:08 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mary Harper Oo Wal Wal Ka Muujineysa Wicitaanada & Fariino Hanjabaado Ah Oo Ka Imaanaya Al-Shabaab

    Tafaftiraha BBC-da qeybteeda Afrika Mary Harper ayaa sheegtay in marka ay Al-shabaab wacaan ama farriin ugu diraan Emailkeeda ay qarracanto ama wal wal ay dareento.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaftiraha BBC-da qeybteeda Afrika Mary Harper ayaa sheegtay in marka ay Al-shabaab wacaan ama farriin ugu diraan Emailkeeda ay qarracanto ama wal wal ay dareento.

Mrs. Mary oo maqaal dheer ka qortay wicitaannada AL-Shabaab marka ay weerarrada geystaan ayaa sheegtay in xilliyada ay weerarrada ka wadaan Hoteellada ay soo wacaan una sheegaan in ay dil badan geysanayaan, kuwa Hotelka ku jirana ay si fiican u leynayaan dadka deggan Hotelka.

Mary ayaa sheegtay in ay qarka u saaran tahay luminta saaxiibadeeda Soomaalida ah, maaddaama wicitaannada Soomaaliya oo dhan ay u heysato in ay yihiin AL-Shabaab.

Sababta ugu badan ee ay Al-shabaab u wacayaan ayey ku sheegtay in ay tahay in ay sheegtaan mas’uuliyadda weerar xilligaas socda ama dhammaaday.

Waxaa ay sheegtay in maalinkii ay wacaan 17 ilaa 15 jeer, marka ay ka qaban weysana ay Inbox-ka fariin ugu reebaan,waxaana ay ka muujisay walaac badan.

Mary ayaa sheegtay in marka ay Gaari waddo, ama ay waqti la qaadaneyso qoyskeeda ama ay shaqo ku jirto ay ku adag tahay in ay taleefan ka jawaabto, sidaas darteedna marka ay fursad hesho ku aragto wicitaanno badan oo Soomaaliya ah.

Walwalka ugu weyn ee ay qabto ayaa waxaa ka mid ah in wicitaannadaas aysan ku celin Karin xitaa haddii uu yahay qof muhiim u ah, sababta oo ah waxaa ay u heysataa in ay yihiin Al-shabaab.

Mary ayaa sheegtay in dhowr jeer ay la kulantay hanjabaadyo dil ah laakiin ma ahayn AL-Shabaab sida ay sheegtay.

Mary Harper oo wal wal ka muujineysa Wicitaanada & Fariino Hanjabaado ah oo ka imaanaya Al-Shabaab


Mary ayaa marar badan timid Soomaaliya,iyadoo warbixino la xiriira arrimaha Bulshada iyo kuwo saameyn ku leh Al-Shabaab ka diyaarisay magaalada Muqdisho.

Xigasho :BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip