Maxkamdeynta Turpin: Lamaane xabsi daa'im loogu xukumay 'tacaddiyo' ay carruurtooda u gaysteen

0
Sunday April 21, 2019 - 10:22:26 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamdeynta Turpin: Lamaane xabsi daa'im loogu xukumay 'tacaddiyo' ay carruurtooda u gaysteen

    n Lamaane ku nool gobolka California ee waddanka Mareykanka ayaa xabsi daa'im loogu xukumay inay gaajo iyo jirdil u gaysteen 12 ka mid ah 13 carruur ah oo ay dhaleen. David iyo Louise Turpin ayaa la xiray Janaayo 2018 xilligaas oo gabadhooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

n Lamaane ku nool gobolka California ee waddanka Mareykanka ayaa xabsi daa'im loogu xukumay inay gaajo iyo jirdil u gaysteen 12 ka mid ah 13 carruur ah oo ay dhaleen. David iyo Louise Turpin ayaa la xiray Janaayo 2018 xilligaas oo gabadhooda 17-jirka ah ay ka baxsatay gurigooda oo ku yaal magaalada Perris markaas oo ay booliska wargalisay. Carruurta ayaa waxaa tacaddiyo loo gaysanayay ugu yaraan sagaal sanadood oo qaarkood waxaaba la helay iyagoo jeebaysan kuna nool xaalad aad u liidata. Hasayeeshee dhowr carruur ah ayaa u maxkamadda u sheegay inay waalidiintood cafiyeen. Lamaanahan ayaa la filayaa in inta ka dhiman noloshooda ay ku dhameysan doonaan xabsiga, haddii aanan lagu cafin muddo 25 sanadood gudahood ah.

David and Louise TurpinLahaanshaha sawirkaAFP Image captionLouise iyo David Turpi

Photo of the Turpin familyLahaanshaha sawirkaDAVID-LOUISE TURPIN/FACEBOOK Image captionBogga Faceboog-ga ee lamaanaha ayaa waxaa ku jira sawirro badan oo qoyskooda ah

Carruurtoodu maxay sheegeen?

Lamaanaha Turpins ayaa ilmeeyay markii ay afar carruur ah oo ah dhaleen ka maqleen saameynta bayaankooda mar Jimcihii la dhageysanayay dacwadda.

Canug yar ayaa ka sheekeeyay dhibaatada ku habsatay.

"Kalmado kuma qeexi karno wixii aynu soo marnay intii aannu soo koraynay," ayuu ku sheegay bayaankiisa.

"Mararka qaar waxaan ku qarwaa waxyaabihii nagu dhacay sida in la katiinadeeyay walaalahay oo la garaacay.

"Taasi waa waxa aan soo marnay balse hadda waan sheekaynaynaaba.

"Waan jeclahay waalindiintey waanan ka cafiyay dhammaan waxyaabihii ay nagu sameeyeen."

David TurpinLahaanshaha sawirkaAFPImage captionDavid Turpin ayaa ilmaynayay isagoo hoos eegaya

Canug kale ayaa bayaan uu qoray oo uu walaalkeed akhriyay, waxa ay sidoo kale waalidiinteed kaga cafisay tacaddiyadii ay u gaysteen.

"Labadeyda waalidba waan jeclahay," ayey tiri.

"Walow aanay inoo soo korin sidii ugu wanaagsaneyd, haddana waan ku faraxsanahay in waxa ay nagu sameeyeen aan ku noqday qofka aan maanta ahay."

Hasayeeshee dhammaan carruurtu ma aanay wada qanacsanayn.

Gabadh jaraynaysay ayaa tiri: "Waalidiintay noloshaydii oo dhan bay la tageen balse hadda ayaan dib ula soo laabtay noloshaydii.

"Waxaan ahay dagaalyahan, waxaan ahay qof adag noloshana waan ka soo dhalaalayaa."

Waxa ay intaasi ku dartay: "Waxaan arkay aabahay oo hooyaday badaley. Anigana waa ay I badeli rabeen, hasayeeshee waxaan ogaaday waxa soconayay."

Louise Turpin occasionally smiled during Friday's sentencingLahaanshaha sawirkaAFPImage captionLouise Turpin ayaa mararka qaar dhoolacaddaynaysay intii ay socotay maxkamadeyntii Jimcaha

Waalidiintu maxay sheegeen?

David iyo Louise Turpin ayaa ooyay markii ay raaligelinta ka bixinayeen habka ay ula dhaqmeen carruurtooda.

Abaahan 57-jirka ah ayaa bayaan uu soo qoray waxaa akhriyay qareenkiisa isagoo sheegay: "Qaabka aan carruurtayda wax u barayay oo aan u tarbiyaynayay waxaan ula jeeday wanaag un.

"Weligay kuma aanan fakarin in carruurtayda ay wax xun ku yimaadaan. Waan jeclahay carruurteyda waxaanan rumaysanahay in carruurtayda ay I jecelyihiin."

Waxa uu injineer u ahaa shirkado la shaqeya wasaaradda gaashaandhigga ee waddanka Mareykanka oo lagu magacaabo Lockheed Martin iyo Northrop Grumman.

David Turpin and Louise TurpinLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionDavid iyo Louise Turpin ayaa ogolaaday xabsiga mudada dheer ah kaddib markii lagu helay dambiyada kala ah jir dil, tacaddiyo ka dhan ah carruurta iyo xasbigelintoodaba

Iyadoo toos ula hadlaysay maxkamadda, ayey Louise Turpin, oo 50-jir ah, waxa ay sheegtay inay "aad uga xun tahay" waxa ay sameysay.

"Carruurteyda aad ayaan u jeclahay," ayey tiri. "Waxaan sugayaa maalinta aan carruurteyda arki doono, hab siin doono oo aan u sheegi doono inaan ka xumahay wixii dhacay."

Xaakimkii muxuu yiri?

Lamaanaha oo wajigooda ay murago ka muuqatay ayuu xaakimkii ku canaantay ficiladoodii "naf jeclaysiga, qaabdarrada iyo bini'aadamnimada ka baxsanaa".

Xaakim Bernard Schwartz said: "Waxaad si khaldan u adeegsateen awooddii aad ku koriseen ee aad ku dhexgasheen carruurtiina aad idinka dhasheen ee aad dunidan keenteen.

Qoyska Turpin oo la sawiran jilaa Elvis oo ay ku kulmeen Las VegasLahaanshaha sawirkaFACEBOOKImage captionQoyska Turpin oo la sawiran jilaa Elvis oo ay ku kulmeen Las Vegas

Maxay carruurtu soo mareen?

Qoyskan dabaqadda dhexe ah ayaa ku noolaa gurigooda oo 112 km koonfurta ka xiga magaalada Los Angeles, iyadoo xilliga uu booliska gurigaasi galayayna ay da'da carruurtooduna ay u dhaxaysay 2 ilaa 29 sanadood, kuwaas oo ay macaluul ka muuqatay.

Wiil 22 sano jir ah ayaa waxaa la soo helay isagoo sariir ku katiinadaysan, halka laba gabdhood oo kalana ay jeebaysnaayeen.

Dhibannayaasha ayaa waxaa laga mamnuucay inay qubaystaan hal mar wax ka badan sanadkii, oo waxaanan u suuragelin inay suuliga isticmaalaan halka midkoodna uusan weligii tegin dhakhtarka ilkaha.

The Turpin family in a Facebook picture dated 2011
Lahaanshaha sawirkaDAVID-LOUISE TURPIN/FACEBOOK
Image captionSafar ay qoyska Turpins ku tageen aagga Disneyland - oo ah goob ay aad u jeclaayeen

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip