Maxaa ka jira in Warshadii ugu weyneed Aduunka ay Soomaliya Ku tiil?

0
Saturday April 20, 2019 - 23:36:42 in Wararka by
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in Warshadii ugu weyneed Aduunka ay Soomaliya Ku tiil?

    Ma aamini leheyd haddii lagu yiraa: Warshadii ugu weyneed Aduunka ee Soo saarto Badeecada XXXXX, waxay ku tiil Somalia, waxaana ka shaqeyn jiray 600 Shaqaale Ajnabi ah iyo 2000 Shaqaale Soomaali ah. Haa waa Run. Waxay ku tiil magaalada Xafuun oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma aamini leheyd haddii lagu yiraa: Warshadii ugu weyneed Aduunka ee Soo saarto Badeecada XXXXX, waxay ku tiil Somalia, waxaana ka shaqeyn jiray 600 Shaqaale Ajnabi ah iyo 2000 Shaqaale Soomaali ah. Haa waa Run. Waxay ku tiil magaalada Xafuun oo loo aqaani jiray "Opone". Ee Puntland, warshadaa Cusbada Xaafuun oo markii hore loo yaqiin "Saline Dante" Waxaa dhisay shirkaddii Talyaaniga ee ("Saline Companies and Industries ") oo Lacag aad u badan ku maal galisay, waxa eyna aheyd Warshadii Cusbo ee ugu weyneed Aduunka 1930. Sahankeeda Dhismo waxaa la bilaabay 1922 waxa eyna si buuxdo u howl bilaawday 1930kii. ( F.S: 1, 2 & 3aad)

Sannadkii 1941 Dagaalkii 2aad ee Aduunka ayaa Ingriisku Burburiyay markii uu la Dagaalyay Talyaaniga. (F.S: 4 & 5aad) Wixii ka dambeeyay waqtigaa wax soo saarkeedii hoos ayuu u dhacay, Gabi ahaana waa baabaiday 1950kii

Sannadkii 1933di waxa ey soo saartay in ka badan 200,000 metric tons Cusbo dhan, Loona dhoofiyay Dalka Hindia iyo wadamada Bariga Fog "Far East countries”. Qorshuhuna ahaa in Sannadka 1940 uu gaaro 2 Miliion Ton.

waxaa ka shaqaale ahaa 600 Talyaani & 2000 Somali ah,( F.S: 6 & 7aad) Dadkii Magaalada waqtigaa ku noolaa oo dhan ahaana Rag ayaa ka shaqeyn jiray, Dadaka magaaladu waxa uu gaaray 5000 Qof Sannadkii 1939kii. Waxaa kale oo Magaalada laga dhisay, warshad Koronto oo Dabka siiso ,Kanaalo iyo Tubooyin dhaadheer oo biyaha qaada si biyo loogu helo Degaanka oo lama degaan u eke ( "semi desert” ahaa.

Warshadu waxa ey leheyd Xargo is dhinac marayo "Ropeway” Sida Sanduuqyada Buuraha lagu koro oo qaado cusbada kuwaa oo gaarayay 27 KM iyo Saxaradaha ku socdo Xadiidka tareeka oo kale ama Kuwa Ceelasha Dahabka laga qodo oo kale oo gaarya 14KM, soo marayay Godka biyaha "Lagoon” illaa xarunta , iyo 16 KM oo warshada dhaxdeeda ku noqnoqonayo.

waxa sii dheera Xargo kale oo Badda Dusheeda ah oo gaarsiinaya Markabka oo dhererkoodu yahay 1.5 KM. Farsamadaa isgaarsiinta ee Cusbada Xarunta looga soo qaadayo ilaa Markabka lagu geeynayo waxaa Xargo badeed la dhisay 1925 waxaana dhisay Shirkad Jarmal ah oo la dhihi jiray "Ernst Heckel”.( F.S: 8, 9, 10 & 11aad)


Hadda Xaafuun waxaa ku nool dhowr Boqol oo qof oo kaluumeysato ah, warshadii iyo Magaaladiina waxaa ka muuqdo Burbur badan. ( F.S:12……20)

Sannadkii 2014tii ayaa Shirkadda "Udug Limited Company” oo kaashaneeysa REDD Engineering & Construction Incorporation oo Mreykan ah waxa ey bilaabeen Daraasad ah sidii dib loogu soo nooleyn lahaa warshadii Cusbada ee waqti ugu weeyneed Aduunka oo dhan warshadaha Cusbada.waa mahadsanyihiin Milkiilayaasha shirkadda Udug.

FG: Ogoow, weli waa jirtaa Baahidii Cusbada Aduunku, Suuq weyna waa loo heli karaa, Ganacsatada & Maamulka Alla ha tuso. Sidoo kale meela badan oo Dalka ah ayaa laga dhisi karaa warshado Dad badani ey shaqo ka helaan, Allah hana tuso sidii aan Dalkeena u horuumarin leheyn. Maalgalin fudfud ayaana la heli karaa.
Wixii ka dhiman ku dar, wixii iga khaldanna ka sax.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip