Madaxweynaha Kuuba Oo Dhigiisa Dalalka Somalia Iyo Kenya Kala Hadlay Dhakhaatiir La Afduubtay

0
Saturday April 20, 2019 - 21:44:03 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kuuba Oo Dhigiisa Dalalka Somalia Iyo Kenya Kala Hadlay Dhakhaatiir La Afduubtay

    Madaxweynaha dalka Kuuba, Migwal Diyaas Kanel waxa uu Khamiistii la soo dhaafay Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, isagoo kala hadlay wada-xaajoodka lagu soo dayn karo Labada Dhakhtar ee Kuubaanka ah oo 2 isbuuc k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Kuuba, Migwal Diyaas Kanel waxa uu Khamiistii la soo dhaafay Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, isagoo kala hadlay wada-xaajoodka lagu soo dayn karo Labada Dhakhtar ee Kuubaanka ah oo 2 isbuuc ka hor laga soo qafaashay Degmadda Mandhera ee W/bari Kenya.

Qoraal uu Madaxweynaha Kuuba soo dhigay Twitter-kiisa ayuu ku sheegay inuu la hadlay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kan Kenya, Uhuru Kenyatta, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay dadaalka Dowwladda Kuuba ee ku aadan hubinta Ammaanka iyo qaabka loo sii dayn lahaa Labada Dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landi Rodriguez.



Labadaas Dhakhtar ayaa ka mid ahaa 100 Shaqaale Caafimaad oo u dhalatay dalka Kuuba, kuwaasi oo ka hawl-gala Isbitaalo ku yaalla goballadda dalka Kenya.


Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka dambeyeen Dhakhaatiirta la qafaashay, waxayna wararku sheegayaan in Dhakhaatiirta lagu hayo gudaha dalka Somalia.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashadaasi oo ay Warbaahinta Kenya horey u sheegeen.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip