DHAGEYSO: Dhacdo ugub ah oo ka dhacday Isbitaalka Soos

0
Saturday April 20, 2019 - 21:20:35 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Dhacdo ugub ah oo ka dhacday Isbitaalka Soos

    Isbitaalka Soos ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu xaday ilmo yar oo saacado dhalan, kadib markii Hooyada dhashay ilmahaasi ay seexatay, xilli ay ku jirtay qolka Isbitaalka laga seexiyay. Hooyo Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbitaalka Soos ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu xaday ilmo yar oo saacado dhalan, kadib markii Hooyada dhashay ilmahaasi ay seexatay, xilli ay ku jirtay qolka Isbitaalka laga seexiyay. Hooyo Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar ee lagu dhex xaday Isbitaalka Soos ayaa xaalad aan wanaagsaneyn ku jirta, kadib markii ay si wayn kaga naxday ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo laga xaday.

Ehelada ilmaha yar ee la xaday waxay codsanayaan haddii farriintaan ay arkeyso ama maqleyso inay soo celiso ilmaha yar ee ay xaday haweenaydaasi, maadaama Hooyadii dhashay xaalad qatar ah ay ku jirto.

Maxamuud Sheekh Axmed Maxamed oo ah Wiilka la xaday awoowgiis ayaa sheegay in Saldhiga Degmada Heliwaa ay ka diiwaangeliyeen kiiska si loo raadiyo haweenayda ilmaha yar xaday.

Wuxuu sheegay inuu ka codsanaayo dadka Somaliyed inay kala qayb qaataan baadigoobka ilmaha yar ee la xaday, maadaama Hooyadii laga xaday ay ku jirto xaalad qatar ah.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip