Hooyo Ka Dalbatay Dowladaha Somalia Iyo Canada Sidii Loo Sii Dayn Lahaa Haween Somali-Canadian Ku Xiran Somaliland
Labada Haween waxay beeniyeen Eedeyntaasi, iyago osheegay inay yihiin dad aan wax dembi ah gelin, waxayna ku xiran yihiin Saldhigga Boliska Ibraahim Koodbuur oo ku yaalla magaalladda Hargeysa.
Labadaa Haween waxaa la sheegay inay u soo socdaaleen Somalialand, si ay u caawiyaan qoysaska, kana taageeraan haweenka Maxaaliga ee wajahayo tacadiyadda.
Hooyo Fahiima Xasan oo dhashay Maymuun Cabid waxay ku boorisay Dowladda Kanada inay xiriir la sameeyaan xubnaha Maamulka Somalia, kuna qanciyaan in la sii daayo haweenkaasi.
"Wxaaan doonayaa inay gabadheeda dib ugu soo laabato Hoyga. Aad bay ugu dhibaataysan tahay” ayey tiri Maamadda oo Wareysi siisay Wargeyska The Globe and Mail ee ka soo baxa Kanada.
"Tan iyo markii ay geeriyootay Karima Watt hooyadeed, waxay noqotay gabadhayda” ayey tiri Hooyo Fahiima Xasan oo haatan ku sugan Somaliland si loo sii daayo gabadheeda iyo haweeney la socotay.
Haweeenkan oo lagu xiray Hargaysa bishii Janaayo ee sannadkan waxay ku eedeysan yihiin inay Khamri cabeen, waxayna xabsiga kula jiraan haween kale.
Waxay sheegeen inay ka cabanayan qaniinyada Xasharaadka iyo inay jiraan haween
Labada Haween waxaa bishan April 8-dii la soo taagay Maxkamadda Hargeysa, waxaana lagu xukumay min 2 sanno iyo 6 bilood.
Dowladda Kanada waaxay horey u xaqiijisay in labadaas haween ku xiran yihiin Somaliland, balse faahfaahino kale ma bixinin.
Dowladda Kanada uma aqoonsana Somaliland dalka madax bannaan Somalia oo Ictiraaf-doon ah.
Maamulka Somaliland waxay sheegtaan inay ka go’een qeybaha kale ee Somalia sannadkii 1991-kii, balse, Beesha Caalamka marnaba ma ictiraafin Gooni-goosadka Somaliland.
Hooyo Ka Dalbatay Dowladaha Somalia Iyo Canada Sidii Loo Sii Dayn Lahaa Haween Somali-Canadian Ku Xiran Somaliland
Mid ka mid ah Hooyada dhashay labada haween ee ku xiran Maamulka Somalia ayaa ka codsatay Dowladaha Somalia iyo Kanada inay taageero ka geystaan sidii loo sii dayn lahaa labadaas Haween. Maymuuna Cabdi oo 28-jir ah iyo Kariima Watts oo 23-jir ah wax