Booliska Mareykanka oo qabtay Nin Ilhan Cumar u Hanjabay

0
Saturday April 20, 2019 - 21:07:42 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Mareykanka oo qabtay Nin Ilhan Cumar u Hanjabay

    Ciidanka Booliiska dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah Koox Ilhaan Cumar ugu hanjabtay in ay dili doonaan, kaasoo ah Cunsuri ay ku weyn tahay Naceybka dadka soo galootiga ah. Ninkaan ayaa lagu helay Eedeymo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliiska dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah Koox Ilhaan Cumar ugu hanjabtay in ay dili doonaan, kaasoo ah Cunsuri ay ku weyn tahay Naceybka dadka soo galootiga ah. Ninkaan ayaa lagu helay Eedeymo kala duwan oo ah in uu maleegayay wareeraro lagu qaado dadka Islaamka ah.

Booliska waxa ay sheegeen in la qabtay ninkaan ka dib markii uu cod farriin ah uu u diray xubno ka tirsan xisbigga Dimoqraadiga, islamarkaana uu ku sheegayay in uu dili doono Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Eedeysanahaan oo 49-sano jir ah waxaa lagu magacaabaa John Kless,kaas oo lagu eedeeyay in cod farriin ah oo hanjabaan ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah oo ku jira xisbigga Dimoqraadiga.

Booliska Mareykanka waxa ay sheegeen in sharciga la marsiin doono, islamarkaana Saacaddaha soo socda uu kasoo muuqan doono Maxkamad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip