Dhageyso:-Maamulka Jubbaland Oo U Digay Odayaasha Dhaqanka Deegaanadaas

0
Saturday April 20, 2019 - 21:06:16 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Maamulka Jubbaland Oo U Digay Odayaasha Dhaqanka Deegaanadaas

    Wasiirka amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Degmada Baled-Xaawo ee Gobolka Gedo ay ka hadlay amniga deegaanada Jubbaland,isagoona fariin u diray Odayaasha dhaqanka. Wasiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Degmada Baled-Xaawo ee Gobolka Gedo ay ka hadlay amniga deegaanada Jubbaland,isagoona fariin u diray Odayaasha dhaqanka. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa uga digay Odayaasha kunool deegaanada Jubbaland in ay ka daba yimaadaan Maxaabiista ku eedeysan Al-shabaabnimo,isla markaana ay soo qabtaan Ciidanka Jubbaland.

 

Sidoo kale Wasiir Janan ayaa sheegay inay Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sugida amniga deegaanada maamulka Jubbaland,isagoona xusay in Al-shabaab ay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka.

Ugu dambeytii Wasiirka Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa tilmaamay in aan loo baaneyn in damiin lagu sii daayo dhalinyarada lagu eedeeyo kamid ahaanshaha Al-shabaab ee laga soo qabto deegaanada Jubbaland .

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Janan .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip