HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA ABRIIL 2019-KA

0
Saturday April 20, 2019 - 09:39:39 in Wararka by
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA ABRIIL 2019-KA

    BOQORKA SACUUDIGA OO FARRIIN USOO DIRAY MADAXDA SOOMAALIYA IYO JABUUTI Salman bin Abdulaziz boqorka dowladda Sacuudi Carabiya ayaa warqad Casuumaad ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BOQORKA SACUUDIGA OO FARRIIN USOO DIRAY MADAXDA SOOMAALIYA IYO JABUUTI Salman bin Abdulaziz boqorka dowladda Sacuudi Carabiya ayaa warqad Casuumaad ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Casuumaddaan ayaa daaray in ay kasoo qeyb galaan shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga. Shirkaan ayaa Magaalada Riyaad Bisha Ramadaan la filayaa in uu ka qabsoomo. Boqorka ayaa sheegay in shirkaan uu yahay Mid muhiim ah oo sare loogu qaadaayo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Carabta ee ku yaalla Afrika, si ay qeyb kaga noqday dadaallada dowladda Sacuudiga ay ugu jirto horumarinta dalalka Carabta.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SAFAR DEG DEG AH UGA DHOOFAY MUQDISHO

Madaxweynaha JFS Maxamed C/hi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay aa Shalay waxa ay ka dhoofeen Garo onka Diyaaradaha AadanCadde ee Mag alada muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jira an Xubno Wasiiro ah ayaa waxaa ay ku wajahan yihiin dalka sacuudi Carabiya, waxaana Garoonka kasii saagootiyey Xil dhibaano iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin safarka Madax weyne Farmaajo uu ugu ambabaxay Wad anka Sacuudiga,kaas oo ah mid aan horay loo sii shaacin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii lagu doortay Magalada muqdisho 8/2/2 017 ayaa safarkiisii ugu horeeyey waxa uu ku tegay dowladda Sacuudiga, iyada oo balan qaad ay u sameysay wallow ay san fulin kadib markii dowladda Soomal iya ay dhex dhexaad ka noqotay xulufa da Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.

MADAXWEYNE XAFIISKIISA LAGA HELAY MASAS

Madaxtooyadda dalka Liberia ayaa xaq iijiysay in Masas laga helay xafiiska mad axweynaha George Weah. Smith Toby Xoghayaha saxaafadda ee madaxweyn aha ayaa warbaahinta qaar u sheegay in laba mas oo madmadow lagu arkay dhis maha xafiiska u ahaa madaxweynaha ga ar ahaanna meel ku aaddan xafiiska uu madaxweynaha fadhiisto.

Waxaa uu sheegay in tani ay cabsi ba dan ku abuurtay qeybaha kala duwan ee Bulshadda iyo shaqaalaha Xafiiska Mada xweynaha. "Waxaana la xaqiijinayaa iney masas kale ku jiraan dhismaha xafiiska iyo gaadiidka xafiiska dhex yaallo” ayuu yiri Mr Toby. Shaqaalaha xafiiska madax weynaha lagu wargeliyey ilaa iyo 22ka bisha April iney xafiiska ka fogaadaan.

DAACISH OO WEERARKII UGU HOREEYAY KA GEYSATAY CONGO

Ururka isku magacaabay Khilaafada Isl aamka ayaa sheegtay weerar u muqdo in uu yahay midkii ugu horeeyay ay ka geyst aan gudaha dalka Jamhuuriyadda Dimuq raadiga ee Congo.

Warbaahinta taabacsan IS ayaa tebi say in maleeshiyadkooda ay weerar ku qa adeen saldhig ciidammada Jamhuuriyad da Dimuqraadiga ee Congo ay ku leeyihi in deegaanka Kamango oo u dhaw xadka dalkaasi uu la wadaago Uganda isla mar kaasna ay ku dileen, kuna dhaawaceen ciidammada. Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa horr aan sheegay inay hayaan caddeymo muu jinayo in maleeshiyaadka ADF ee uu fa dhigeedu yahay Uganda ay ku biireen uru rka IS.

Dhanka kale, madaxweynaha Jamhuu riyadda Dimuqraadiga ee Congo,Felix Tshisekedi waxaa uu sheegay in maleesh iyaad reer Uganda ah ay ku biireen koox da isku magacaawday Khilaafada Islaam ka

13 QOF OO KU DHIMATAY KANIISAD KU TAA LLA DALKA KOONFUR AFRIKA

Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku geeriyootay 16 kalena wey ku dhaawacmeen, markii uu soo dumay saqafka sare ee Kaniisad ku taalla Magaalada Durban ee Dalka Koofur Afrika.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaan ka ayaa Warbaahinta u sheegay Shalay in shilkani ay sababeen Roobab culus oo Habeennimadii Khamiista ka da’ay dega anka Dlangubo, oo dhaca Waqooyiga Magaalada Durban.

Kooxaha gurmadka ayaa ku guuleys tay inay badbaadiyaan Dadkii ku dhaaw acmay shilkaasi, iyadoo haatan lagu dabii bayo goobaha Caafimaadka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KORMEER KU TAGAY DEEGAANNADII LAGA XOREEYAY ALSHABAAB

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo kormeer ku tagay deeg aannadii dhawaan laga xoreeyey Alshab aab ayaa faray hay'adaha DFS inay shac abka deegaannadan si deg deg ah u gaa rsiiy aan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool oo ay Ar ga gaxisadu muddo badan dhibaato ku haysey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in DFS ay sii labalaabayso hawlgallada ka dhan ka ah kooxaha nabaddiidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay ka ga dhuumaalaysanayaan dalka Sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boga adiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida guulaha waaweyn ee ay ka soo hoy een Alshabaab ee cadawga ku ah horum arka, nabadda iyo nolosha shacabka So om aaliyeed. "Hambalyo ayaan idin leey ahay inaad ka adkaateen cadawgii umma dda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen ina ad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeen na inaad ka difaacdaan. ayuu mar kale yiri Md. Farmaajo"

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xo ojiyaan taageerada ay la garab taagan yi hiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta. "Shabaab waa fulayo, waxay ya qaana an in ay shacabka qarxiyaan, carr uurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanaya an, wa ayo waxay og yihiin inaad geesin nimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan u gu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taag annahay, waa idin soo booqaneynaa, ciid amo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan."

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan ma rnaba isdhigan oo ay isha ku hayaan cad awga Alshabaab, waxa uuna ku ammaan ay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar gar awga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale u ga saari lahaayeen. DHAMMAAD

DIB U DHAC KU YIMID SHIRKII MADAXWEYN AHA UU UGU YEERAY MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA

Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu ku dhawa aqay Madaxweyne Farmaajo ee Shalay loo ballansanaa inuu qabsoomo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 6dii bi shan warqad uu soo saaray waxa uu ku ballamiyay shirka Golaha Amniga Qara nka 19ka bishaan oo Shalay lagu waday in uu dhaco hayeeshee baaqday.

Inkastoo Dowladda Federaalka aan wali ku dhawaaqin baaqashada shirka, haddana waxa uu u muuqdaa inuu dib u dhacay sababo dhowr ah oo isbiirsanaya awgood, waxaana ka mid, Madaxda Dowl ad Goboleedyada oo maalin ka hor shirar ka imaan jiray Muqdisho, balse hadda ku su gan qaarkood Dibadda halka qaarka kalena ay joogaan xarumahooda.

Madaxweynayaasha Maamulada Gal mudug iyo Jubbaland ayaa ku sugan M/ Nayrobi, Madaxweynaha Puntland ayaa isna ku sugan Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay joogaan xaruma hooda.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa she egay inuu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, taasi oo sababi karta in dib loo soo celiyo Madasha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Shirkan ayaa qodobada looga hadli la haa waxaa ka mid ah adkeynta ammaan ka dalka, Dhismaha ciidanka xoogga dal ka, la dagaalanka Mintidiinta Al Shabaab iyo kooxda Daacish.

Dhawr mar oo hore ayuu sidan oo kale u baaqday shirka Golaha Amniga Qaran ka ee Madaxweynaha uu ku baaqay, weli waxaa taagan tabashada ay qabaan Mad

axda Maamul Goboleedyada.

WASIIRKA AMNIGA OO KA HADLAY WARAR BARAHA BULSHADA LAGU FAAFIYEY

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayey in M/Mu qdisho ay ka dhacayaan banaanbax loo ga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, kaas oo laga cabsi qabay in Dorraad in uu dhaco. Wasiirka W/Amniga XFS Maxa med Abuukar Isloow `ayaa sheegay in dadka Muqdisho lagu marin habaabinay ey in ba naanbax uu ka dhacayo Muqdi sho taas ina aan waxba ka jirin.

Waxa uu ka dalbaday Shacabka ku nool M/Muqdisho inay laamaha amniga kala Shaqeeyaan sugida Amniga Caasim adda,isla markaana ciidamada ku garab siiyaan.

LAASCAANOOD : MACALIN U DHASHAY DAL KA KENYA OO DIINTA ISLAAMKA QAATAY

DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo u dhashay wadanka Kenya ayaa ku diinta Islaamka ku qaatay masjid Jaamaca M/ Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Obimba oo sanadihii la soo dhaafay barre ka ahaa dugsiga sare ee Geteway ayaa ku qancay in uu ka tanaasulo diintii uu horey u haystey oo uu qaato diinta Isl aamka.

Sheekh Cali Macalin oo shahaadada u qabtay ayaa si aad ah u soo dhoweeyey ninkan oo ku lebisnaa direys bidhaamaya oo ah badanaa ka Islaamka calaamada u ah.

DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo aad u faraxsan ayaa hadal kooban ka she egay " dad badan ayaa isku deyey inay igu qanciyaan inaan qaato diinta Islaam ka iyagoo Ii balan qaaday in ay isiin do on aan dhaqaale iyo waxkalaba, laakiin ma anta waxaan islaamay anoog waxba aan Rabin"

Ninkan ayaa markii uu masaajidka ka soo baxay loogu yeedhayey Billaal iyadoo ay gelbinayaan macalimiinta iskuulkaas iyo culimo badan.

RA’IISUL WASAARE IYO XUKUUMADIISA OO ISKU CASILAY FASHIL AMNI

Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen Ra’iisul Wasaarihii dalka Maali iyo dha mmaan xubnihiisii Golaha Wasiirada, ka dib markii dalkaasi Maali ay ku bateen fa lalka la xiriira amnidarrada taas oo ay wa laac ka muujiyeen Shacabka dalkaas.

Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqa ta ah ayaa lagu laayay dalka Mali markii uu qarxay dagaallo u dhexeeyo qowmiy ad aha qaar ee ku nool halkaasi.

Kulan ay yeesheen Arbacadii la soo dhaafay ee todobaadkaan Xildhibaanna da Baarlamaanka dalka Maali ayaa wa xaa ay Ra’iisul Wasaare Soumeylou Bou beye Maiga iyo Golihiisa Wasiirada ay ka gudbiyeen mooshin ku saabsan kalsooni kala noqoashada taas oo ugu dambeyn keentay inay is casilaan.

Xubnaha Baarlamaanka dalka Maali ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ku eed eeyeen in uu ku guul dareystay wax ka qabashada xaalada amniga taasina ay dhibaato ku tahay Shacabka dalka Maali.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Maali Abuu Bakar ayaa dhankiisa sheeg ay inuu warqadda iscasilaadda ka gudd oomaay ra’iisul wasaaraha iyo dhamma an golahi isa wasiirada,isla markaana dha waan lasoo magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub marka wadatashiyo lala yeesho axsaabta siyaasadda ee dalkaasi.

WAFDI KA SOCDA SACUUDIGA OO KULAMO KA WADA MUQDISHO

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika Axmed Abdul Aziz Kattan ayaa ku sugan caasimadda Muqdisho,halkaas oo uu kullamo ka wado.

Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika iyo saraakiisha kale ee booqashada ku weheliya waxaa ay la kulmayaan madaxda sare ee dowladda federaalka oo uu ugu horreyo madaxwe yne Farmaajo,iyadoo booqashada ay Muqdisho ku soo gaareen lagu sheegay inay qayb ka tahay safaro uu ku marayo dalalka gobolka geeska Afrika,wsiir dow laha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika.

"Waxa ugu weyn ee wafdiga uu usoo gaa ray Muqdisho, waa sidii madaxda sare ee dowladda loo soo gaarsiin lahaa martiq aad la xiriira shir weyne u dhaxe eya Sa cuudiga iyo Afrika ." ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyadda oo la hadlay HOL.

Shirka Sacuudiga iyo Afrika ayaa la shee gay in looga hadli doono iskaashiga iyo wax wada qaybsiga labada dhinac.

Sacuudiga ayaa xiriir dhow la leh Soom aaliya, waxaana dhaqaalo badan ay ku taageerran fadhigeeddu yahay caasima dda Muqdisho oo wali ku tiirsan taagee rrada ay ka hesho waddadama dibadda.

MADAXWEYNAHA DALKA IIRAAN OO WEERAR AFKA AH KU QAADAY ISRAA’IIL

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ugu baaqay inay iska caabiyaan sahnuuniya dda, isa ga oo weerar ku qaaday Israel.

Rouhani oo ka hadlayey munaasabadda maalinta ciidamada Iran ayuu sheegay in hubka lagu soo bandhigay uu yahay kal iya mid Iran ay isku difaaceyso.

"Dalalka gobolka waxay isku dhinac noo laayeen qarniyo, wax dhibaato ahna ma qaabin, haddii ay dhibaato jirto waxaa sa babay kuwa kale” ayuu Rouhani ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka. "a an is garab istaagno, aan isla jirno oo aan iska saarno joogitaanka kan gardarrada ka wada gobolka” ayuu yiri. Waxa uu she egay in hubka iyo awoodda Iran aysan marnaba dhibaato ku ahayn dalalka gobo lka."Awoodda ciidamada hubeysan ee Iran waa awoodda dalalka gobolka iyo du nida Islaamka” ayuu yiri.

"Haddii Shalay ay dhibaato ka jirto gobo lka, waxaa xuddun u ah sahnuuniya dda ama kibirka Mareykanka” ayuu yiri.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO AY TABABARTAY DAWLADDA TURKIGA

Ra’iisul Wasaaraha XFS md. Xasan Ca li Khayre, ayaa Shalay tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gor ogor oo ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soom aaliya ay kula heshiisay dawladda Turk igu in ay u tababarto, ayaa waxa ay tab abarkooda kusoo qaateen xerada TurkSom ee Shalay ay ka dhacday mun aasa badda qalin jebintooda iyo gud aha dalka Turkiga, waxaana loo dham ays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay dawladda Turkiga Tababarka ciid anka, ayaa u hambalyeeyay ciidam ada qalin jebiyay ee uu tababarka usoo xiray, isaga oo u rajeeyay in ay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada umadda Soom aaliyeed.

Tababarka ciidanka oo qayb ka ah hal beegyada tubta amniga iyo cadaala dda ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawla ddu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dal ka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loo gu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.

WASIIR CAWAD OO KULAMO KA WADA DALKA MASAR

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibad da Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan dalka Masar ayaa waxaa uu booqd ay Jaamacadda AlAzhar oo ay dhigtaan arday ay soomaali ku jiraan.

Inta uu ku gudajiray booqashadiisa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Was iirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Ca alamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Ca wad, waxa uu kula kulmay Shalay oo Kha miis ah M/Qaahira Imaamka weyn, Dr. Ah med elTayeb, Sheekha Azharka Shari ifka.

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr ara gti oo la xiriirta xiriirka Soomaalida iyo Azharka Shariifka, si gaar ah waxaa loo eeg ay dib u howlgelinta Ergada Azhar iyo ho wlaheeda waxbarasho ee Soomaal iya iyo kolonyada gargaar iyo diin faafin ku qo tanta manhajka toosan ee ka dhanka ah aragtiyada wax burburiya si lo oga hortago xagjirka iyo waxa loogu ye ero argagaxisada.

GOLAHA WASIIRADDA PUNTLAND OO U DIGAY DOWLADDA DHEXE

Golaha Wasiiradda maamulka Puntland ayaa u digay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in dowladda dhexe ay faragalin ku heyso Waxbarashadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash ayaa shir guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumad da waxaa looga hadlay amniga dalka, Aragtida Dowladda Puntland ee arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaami jka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixino kale.

Wasiir dowladdaha Madaxtooyadda Puntland oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya in uu waddo dadaallo la iska horkeenaayo dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in dastuurka Puntland kan Faderaaka intaba ay qeexayaan in dowlad goboleedyadda ay u madaxban aan yihiin hanaanka waxbarashadda deg aanadooda.

AL BASHIIR QOYSKIISA OO LAGU XIRAY SUUDAAN

Militariga Suudaan ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo qof oo la dha shay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Cumar Al Bashiir. Afhayeen u hadlay militariga Suudaan ayaa sheegay in xiri dda walaalaha Al Bashiir ay ka qeyb tah ay ololaha looga soo horjeedo maam ulkii hore. Waxaa uu sheegay in la xir xirayo maleeshiyaadkii taabacsanaa maamulkii hore.

Cumar Al Bashiir ayaa Dorraad lagu xiray xabsiga Kobar oo horraan inta badan lagu xiri jiray siyaasyiinta mucaaradka ah.

Dibadbaxyaasha reer Suudaan waxay codsanayaan in la helo dowlad rayid ah.

SHIRKII UU ICLAAMIYAY MADAXWEYNE FARMAAJO OO MARKALE BAAQDAY

Warar lagu kalsoonaankaro ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ay diideen in ay ka qeyb galaan Shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farm aajo uu ku dhawaaqay in uu Muqdisho ka dhaco maalinta berri ah oo ku beegan 19ka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa la sheegay in ay diideen in ay aqbalaan Casuumadda uu u diray qaarkood, waxaana ay ku xireen Shuruud. Madaxda maamul goboleedyad da Ga lmudug, Jubbaland iyo Puntland ay aa ha dda ku sugan M/Nairobi ee Caa simadda Kenya, waxaana muuqata in uu baaqday Shirkii lagu waday in uu dhaco Berri. Ilo ku dhow Madaxda maamul gob oleedyada ayaa Risaala u sheegay in shir ka ay iska diideen Madaxda Puntland iyo Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Ax med Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Shuruud ku xiray in uu ka qeyb galo Shirka, wax aana Galmudug ay sheegtay in aysan shi rkaasi ka qeyb gali doonin, Maadaama ho ray aan loo fulin heshiisyaddii lagu gaaray Garowe bilowgii Sanadkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka biya diiday in shirkaan Garowe la ga soo wareejiyo oo Muqdisho lagu qabto Maadaama horay uu ballanku ahaa in la gu qabto Kulanka Garowe oo la iclaam iyay bilowgii Sanadkaan.

ISUSOOBAX ROOBDOON AH OO KA DHACAY MAGAALADA KISMAAYO

Madaxweyne kuxigeenka labad ee dowlad goboleedka Jubbaland, guddoom iyaha Baarlamaanka golayaasha Jubba land iyo boqolaal Shacab ah ayaa u soo bannaan baxay roob doon alle lagu weydi isanayo in shacabka Soomaaliyeed ugu deeqo raxmadiisa.

Shacabka ku dhaqan magaalada kisma ayo ayaa si weyn ugu soo bannaan ba xay roobdoonka,waxaana Kismaayo ay Shalay ka duwaneed maalmihii hore.

Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo ayaa lagu tukaday Salaadii Roob doonka ,waxaana Culumada iyo waxgaradku she egeen in muhiim tahay in alle loo noq do oo laga toobad keeno dambiyada.

RA’ISULWASAARE CALI MAXAMED GEEDI "ALSHABAB KALIYA KAMA DAMBEEYAAN QARAXYADA KA DHACA MUQDISHO”

Ra’isulWasarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa si kulul uga hadlay amni darada magaalada Muqdisho gaar ahaana qaraxyada loo adeegsado gaa diidka laga soo buuxiyo walxaha qarxa iyo kuwa kale ee lagu dhejiyo laguna bar tilmaameedsado masuuliyiinta dowladda iyo dadka kale ee shacabka ah.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay qarax yada ka dhacay magaalada Muqdisho in ay qeybsaman laba qeybna ay geeystaan Alshabaab kuwana ay ka dambeeyaan dad leh dano Siyaasi ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmamay in Alshabaab ay geys taan qaraxyada ismiidaaminta ah halka kuwa lagu dhejiyo gaadiidka lana dhigo waddooyinka Muqdisho in ay ma suul ka yihiin dad leh dano siyasadeed oo khalkhalgelinaya dowladnimada Soom aaliya sida uu hadalka u dhigay.

XUKUUMAD DHAN OO ISKU CASISHAY FASHIL AMNI

Ra’iisul wasaaraha Mali iyo dhamm aan xubnaha ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ku dhawaaqay inay xilka iska casileen ka dib markii dalkaasi ay sare u kaceen dhacdoo yinka amni darrada ah.

Baarlamaanka ayaa Arbacadii codka kalsoonida kala noqoshada ka gudbiyay ra’iisul wasaare Soumeylou Boubeye Ma iga oo ay ku eedeeyeen inuu ku guuldare ystay wax ka qabashada xaaladda amn iga ee dalka Mali.

Madaxweyne Ibraahim Abuu Bakar ay aa dhankiisa sheegay inuu warqadda isc asilaadda ka guddoomaay ra’iisul wasaar aha iyo dhammaan golahiisa wasiirada.

Waxaa uu sheegay in dhawaan lasoo ma gacaabi ra’iisul wasaare cusub marka wa datashiyo lala yeesho axsaabta siyaasa da ee dalkaasi. Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqa ta ah ayaa lagu laayay dalka Mali mar kii uu qarxay dagaallo u dhex eeyo qowmiya daha qaar ee ku nool halk aasi. Xigasho BBC

QOSOLKA IYO ARGTIDA WADAJIRA

Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ah med ayaa waxaa uu waraysi dheer siiyey wargeyska caanka ah ee Financial Times.

Isagoo ka hadlaaya waxyaalaha uu higsa naayo ee uu doonaayo inuu dalkiisa u qabto waxaa uu yiri: "Weli ma anaan sam ayn boqolkiiba hal ( 1%) ka mid ah waxya alaha aan ku riyoonayo ama aan doona yo inaan sameeyo”.

Waxaa danta iyo horumarku ku jiraa dalka Itoobiya oo wadajira oo si wadajir ah horumar u sameeya ayaa ka mid ahaa hadalada muhiimka ah ee uu kaga hadlay mustaqbalka Itoobiya.

Waxaa muuqda runtii hogaamiye meel fog wax ka arka, doonaya inuu dalkiisa wax badan u qabto oo gaarsiiyo meel sare. Maxay hogaamiyayaasha soomaali du ka baran karaan Abiy Ahmed?

Sidee ayey waxyaalaha waaweyn ee uu higsanaayo hogaamiyahan aan deriska nahay inoo saameyn karaan, shar iyo kheyrba?

Share Facebook Twitter Google+ Pinte rest Taliye Sare oo ka tirsan booliska dee gaan lagu Magacaabo Likoni oo hoostaga Magalada Mombasa ayaa is dilay, kadib markii uu toogasho ku dilay Haweeney ay saaxiibo ahaayeen.

Dhacdadaas oo aad looga hadal haayo Magalada Mombasa ayaa daba so cota kadib markii taliyahaas oo ahaa tal iye kuxigeenka taliska Booliska deegaan ka Likoni ay wada murmeen Haweeney da ay saaxiibada ahaayeen oo ka Shaqey neysay Baar ku yaalla deegaanka Mtong we ee Magalada Mombaasa. Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa tegaygoobta wax ka dhaxeen wax aana ay baaritaano xoogan ku sameynaan sababaha ugu weyn ee ka dambeysay inuu is dilo talaha

WASAARADDA DASTUURKA IYO GUDDIGA XUDUUDAHA OO SHIR WADATASHI AH YEESHAY

Waxaa MMuqdisho ku qabsoomay shirka wadatashiga ee lagu turxaan bixin ayo is waafajinta xulushada qaabeynta Dowlad Goboleedyada iyo qodob ka 49 aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, wa xaana shirka si wadajir ah u qabtay Was aaradda Arrimaha Dasturka iyo Gudi gga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Qaranka.

Shirka oo uu furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gudigga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiir KuXi geenka Wasaaradda Arrimaha Dastuur ka, masuuliyiin ka kala socotay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo Xafiiska Xeerilaaliyaha.

Ugu horeeyn Gud.Gudigga Madaxa ban aan ee Xuduudaha iyo Federaalka Md. Khaliif Cabdikariin Maxamed oo shir ka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wa saaradda sida dhow ay u wada shaq ee yaan isagoo sheegay in shirkan uu muhi im u yahay qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ay aa sheegay inay ka go’antahay la shaqe eynta hay’adaha dowladda ee ay shaqa da ka dhaxeeyso.

"Waxaa farxad ii ah anigoo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda inaan Shalay ka soo qaybgalo kulan howleed kan, waxaa naga go’an ka mirodhalinta dibueegista Dastuurka taasina waxay ku imaaneysaa inaan wadashaqeyn wanaag san la yeelano dhamaan Gudiyada iyo ha y’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, waxaa shirkan inta uu soc do looga doodi doonaa is waafajinta xul u shada qaabaynta Dowlad Goboleedya da iyo qodobka 49aad ee Dastuurka.

ABSHIR BUKHAARI OO SI KULUL UGA HADLAY HADALKII WASIIR GOODAX BAAQNA U DIRAY XUKUUMADDA

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gola ha Aqalka Sare ee Soomaaliya Md.San oter Abshir Bukhaari ayaa su’aal kulul ka keenay hadalkii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Md.C/hi goo dax Barre ee ku saabsanaa in Puntland diiday ka qeybgalka Imtixaanka ay qaado dowladda.

Sanoter Abshir Bukhaari ayaa sheegay in Puntland xaq u leedahay inay si madax bannaan u maamulato nidaamkeeda wax barasho,isla markaana Dastuurka dalka uu dhigayo.

Aniga oo tixraacaya waajibka dastuur iga ee Aqalka Sare sida ku cad Qod. 71 ee Dastuurka Federaalka & waajibkeyga xilgudasho sida waafaqsan Qod. 61aad Faqradiisa 1,3 waxaan cadeynayaa in farr iinta halkan ku lifaaqan ee wasiir Cabdul ahi Godax ay ka soo horjeedo Dastuurke ena Qod. 54 ayuu yiri Sanoter Abshir Bukhaari. Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha waxbarashada dalka ay qeyb ka tahay arrimaha ay si gaar ah u maarey san karaan dowlad goboleedyada ama ba uu wadaxaajoodku ka furan,isla mar kaa na Wasiirka waxbarashadu go’aan ku la heyn maareynta waxbarashada Puntla nd.

Gebagabadii ayaa waxa uu ugu baaq ay W/Xukuumadda Soomaaliya inuu ila aliso heshiis federaal ah ay wada gaare en Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada; isla markaana ay ka foga ato adeegsashada siyaasado aan la heyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka.

XUBNAHA DIMUQRAADIYIINTA OO SI KULUL UGA JAWAABAY WARBIXINTII ROBERT MUELLER

Xubnaha Xisbiga dimuqraadiga ayaa si kulul uga jawaabay qaabkii fasiraadda uga bixiyay xeer ilaaliyaha guud ee Ma reykanka warbixintii qareenka gaarka ah ee Robert Mueller oo baaryaya eedee yn tii ahayd in Ruushka ay galangal ku yee sheen doorashadii Mareykanka ee 2016.

Afhayeenka aqalka golaha wakiilada Nancy Pelosi oo iyadu ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegtay in khudba ddii uu jeediyay xeer ilaaliyaha Mr Barr ay ahayd mid u janjeerta dhan xisbi.

Senatar Elizabeth Warren ayaa sheeg tay in ay tahay wax laga xumaado in xe er ilaaliyaha uu u dhaqmay sida qareen sha qsiyadeed oo u nacamleeya madaxw aynaha.

Debbie Wasserman, ayaa dhankeeda sheegtay in golaha Kongreska ay u yeeri doonaan Robert muller qudhiisa oo ah nin ka warbixinta soo diyaariyay. Jerold Nad ler, oo isana ka tirsan xisbiga dimuqradi ga ayaa sheegay in xubnaha aqalka kon greska ay u taallo in ay dalbadaan shara xaad dheeraad ah oo ku saabsan warb ixnta.

Warbixinta qareenka gaarka ah ee Robert Mueller oo ahayd mid si wayn loo wada sugayay ayaa waxa lagu sheegay in wax cadeyn ah aan loo helin xiriir ka dhaxeeyay Ruushka iyo kooxdii ololaha doorashada ee madaxwayne Trump.

Hase ahaatee, wali wakiilku ma uusan soo saarin go'aan rasmi ah oo ku saab san in madaxweynaha uu sharciga ku xad gudbay iyo in kale.

Balse madaxweyne Donald Trump ay aa isku dayay in shaqada laga ceyriyo nin kii loo xushay inuu baaritaanka ku sam ee yo xiriirka uu madaxweynaha la lee yahay Ruushka, sida ku xusan warbixin Robert Mueller.

Madaxwayne Trump ayaa isaga marki iba bartiisa Tweetarka qoraal uu soo dhi gay waxaa uu ku sheegay in guul siyaas adeed uu garay islamarkana ay ciyaartu dhmaaatay. Xigasho BBC

WASIIR CABDI CANSHUUR OO DIGNIIN U DIRAY DADKA WAX KU QORA BARAHA BULSHADA

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isga ariinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soo maaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa She egay in xanibaad xoogan ay saarneyd bo ostada Somalia taasi oo uu sheegay inay keentay in aysan Shaqeynin boos tada .

Wasiir Canshuur ayaa hadalkiisa inta asi ku daray in diwladda Soomaaliya ay ka warheyso inay Shacabka dhibaato ku qabaan maqnaanshahya boostada, haye eshee ugu dambeyn lagu guuleystay in cunaqabateyntii Boostada Soomaaliya hadda laga qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isg aariinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda So omaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa dhibaatooyinka ka jira Baraha Bulshada iyo Wabsiteyada, kuwaasi oo aan la dha csaneyn dowladda Soomaaliya, balse m arnaba aan la ogolaan doonin in Bar aha Bulshada laga abaabulo banaanbax yo ka dhan ah dowlada Soomaaliya.

Hay’adaha Amniga ayuu ka dalbaday inay ilgaar ah ku hayaan dadka wararka kicinta ah ku qora Baraha bulshada ay wa da isticmaasho si tallaabo sharci ah looga qaado.

GOLAHA WASIIRADA OO ANSIXIYAY SHARCI GA JAANGOYNTA IYO TAYODHOWRKA QARANKA.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay Sharciga Jaangoynta iyo Tayodhowrka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo ay usoo gudbisay wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed.

Sharciga Jaangoynta iyo Tayodhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayodhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayodhawrka.

Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaangoynta iyo tayodhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo badqabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayodhowrka Soomaaliyeed.

.

ii

WAX-QABADKA MASHRUUCA TAAKULAYNTA ISGAARSIINTA OO MUQDISHO LAGU SOO BANDHIGAY

 

 

 

Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyada dalka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, April 2019.

Shirka waxa ka soo qeyb galey ka faa'ide ystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta ee uu maalgeliyo Bankiga Aduunku oo kala ah Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dawlad Goboleedyada, Shabakadda SomaliREN, Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Mudadii uu socday shirku waxa uu Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta Soomaaliya soo bandhigey howlihii uu mashruucu ka hir geliyey wadanka oo dhan. Mashruuca oo shaqayanyaay (2014-2016 wejigii 1aad) iyo 2015 ilaa Hadda wejigii 2aad ayaa qabtay howlaha hoose:-

Qolalka isgaariinta

Mashruucu waxa uu ka hir geliyey wadanka oo dhan 37 qolal isgaarsiineed oo casri ah kuwaas oo loogu talo galey in lagu fududeeyo habka wada xiriirka maa muladda iyo wasaaradaha Dalka. Go obahan soo socda ayaa laga aasaasey qolalkan:

Muqdisho:

Xafiiska Raysal wasaaraha, Wasaa radda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tekno olajiydda , Xarunta Aqalka sare, Xafiiska gudoonka golaha shacabka Soomaal iyeed-Villa hargaysa, Bankiga dhexe, Wasaaradda Batroolka iyo Wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga.

Puntland: Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka, Wasaaradda Waxb arashada, Wasaaradda Caafimaadkag aiyo Wasaaradda Qorsheynta. Jubbal and: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo dayactirkooda.

Koonfur Galbeed: Madaxtooyada, Baarla manka iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo dayactirkooda.

Galmudug: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiin ta (Xafiisyadii Cadaado) iyo dayactirko oda.

Hirshabelle: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Xarunta Degmada BeledWeyne iyo dayactirkooda

Sidoo kale Mashruucu wuxuu ka hirgeliyey qolalka Isgaarsiinta casriga ah 5 xafiis oo ku yaala Somaliland kuwaasoo kala ah Xafiiska Madaxweynaha, Wasaa radda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda. Sidoo kale Mashruucu waxa uu u gadey internet 10Mbps ah 5 taas xafiis ee kore. Iibinta Internetka

Muqdisho Mashruucu waxa uu Ii biyey internet xawaarihiisu sareeyo oo gaaraya 1stm-1 15 xarumood oo ku yaal Muqdisho oo ay isticmaalaan ilaa 25 wasaaradood iyo xafiisyo dawladeed: xarumaha uu internetku ku jiro waxay kala yihiin:

Xafiiska raysal wasaaraha, Wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda, Wasaaradda arimaha dibadda, Wasaaradda gaanshaandhiga, Wasaar adda ganacisga iyo warshadaha, Wasa aradda waxbarashada, dhaqanka iyo tacliinta sare, Wasaaradda warfaafinta, dalxiiska iyo hidaha, Wasaaradda batr oolka, Wasaaradda dhalinyarada iyo ciy aaraha, Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, Wasaar adda amniga gudaha, Wasaar adda cadaaladda, Wasaaradda maaliyadda, Bankiga dhexe iyo Maamulka Gobolka banaadir

Sidoo kale waxa uu mashruucu siiyey khad internet oo dhan 10Mbps qolalka Isgaarsiinta ee laga hirgeliyey xarumaha hoose:-

Puntland: Xafiiska Madaxweynaha, Wasa aradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka, Wasaaradda Waxbara shada, Wasaaradda Caafima adkagaiyo Wasaaradda Qorsheynta.

Jubbaland: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo dayactirkooda.

Koonfur Galbeed: Madaxtooyada, Baarl amanka iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo dayactirkooda.

Galmudug: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsi inta (Xafiisyadii Cadaado) iyo dayac tirkooda.

Hirshabelle: Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Boostada iyo Xarunta Degmada BeledWeyne iyo dayactirkooda

Mashruucu waxa uu dayac tirey Qolka Isgaarsiinta (Government Network Room) oo lagu sameeyey qalabeyn kaasi oo ay taalo seerfarada isku xira internetka Dawaldda ee laga hirgeliyey Muqdisho. Khadkaas oo shaqayn doona muddo 20 sanno ah oo kasoo bilaabantay maalinkii laga shaqeysiiyey internetka.

Bixinta kharashaadka korontada Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda oo uu mashruucu bixiyo.

Taageeridda Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda diyaarintii iyo wejiyaddi kala duwanaa ee uu soo maray sharciga isgaarsiinta

Tababaradda Shaqaalaha wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo lagu taba baray maamulka, Maaliyadda iyo Iibka.

Xog ururinta Baahiyaha ka jira Qeybta Isgaarsiinta ee dawladda dhexe, Dawlad Goboleedyada iyo dhamaan ka faa’ideystayaasha mashruuca oo aan kala shaqaynay qeybaha kore.

Bahda waxbarashada sare:

Bixinta Kharashka xubinimmidda SomaliREN Ubuntu Alliance oo ah urur caalami ah oo ay ku midoobaan shabakadaha waxbarashada iyo Cilmi baarista ee caalamka.

Bixinta Kharashaadka qeyb kamida ah Internet xawaarihiiisu yahay 1STM-1 oo ay qeybta kale bixisey EU taasi oo muddo 15 sanno ah ay ka faa’ideysan doonaan Jaamacado Soomaaliyeed oo ku kala yaala Goboladda dalka.

Shaqaaleysiinta Khabiir sare oo ka caawiya Shabakadda SREN dhismahee da iyo shaqooyinkeedaba.

Soo iibinta qalab ay ku shaqeyso SomaliREN oo isku xiraya Jaamacadaha xubnaha ka ah ee Muqdisho ku yaal iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Bixinta deeq tobobar(capacity building grant) oo la siiyey SomaliREN taasi oo ay uga faa’ideysay Jaamacadaha Xubnaha ka ah iyo Jaamacadda Ummada Soom aaliyeed

Taageerida Hay’adda Isgaarsiinta Qaran ka

Shaqaalaysiinta Khubaro la shaqaysa Hay’adda oo kala shaqaysa howlaha loo igmadey, mashruucu wuxuu shaqaalays iisey khubaro.

Taageeridda Hay’addu Xafiiska ay ku sha qeyso (Sida qalabaynta Xafiiska iyo bixin ta kiradiisa muddo 1 sanno)

Gaadiidka Hay’adda oo lagu taageerey hal gaari

Shirarka Maamulka Hay’adda oo mashruucu ka bixiyo kharashaadka ku baxa (Board meetings).

Wada tashiyadda ay Hay’addu la leedahay shirkadaha gaarka loo leeyahay oo uu mashruucu ka taageero.

Ka qayb gelka shirar caalami ah oo ay hay’addu ka qeyb gashay.

Bixinta Qarashaadka lasoo wareegida summada .so iyo ka shaqaysiinteedaba.

Shaqooyinka Socda

Puntland:

Tababaradda Shaqaalaha rayidka ee Puntland oo lagu tababaryo xirfadaha Isgaarsiinta

Kordhinta Xawaaraha internetka la siiyey xarumaha kala duwan oo lagu kordhinaayo 18Mbps.

Internetka iyo Qolalka Isgaarsiinta

Kordhinta xawaaraha Internetka Xafiisyadii hore loo siiyey khadka internetka.

Daahfurka Qolalka Isgaarsiinta ee Hirshabeele (Waxaa mudada laga sugayaa maamulka Hirshabelle)

Waxbarashada Sare:

Iibinta Internetka ee Jaamacadaha xubinta ka ah SomaliREN ee ku kala Yaal Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Kordhinta xawaaraha internetka la siiyo Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed

Iibinta Internet la siiyo Faraca Jaamacadda Ummadda ee ku yaal Caabudwaaq.

Iibinta Qalab isku xira jaamacadaha xubnaha ka ah SomaliREN ee ku yaal Muqdisho

Qalabaynta Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed.

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha shirka ayaa xaqiijiyey hirgelinta shaqooyinka sare waxa ayna soo jeediyeen in wejiga labaad lagu daro muddo kordhin (Mashruuca iyo howl wadeenadiisa) isalamarkaana la helo kharashaadkii lagu sii wadi lahaa mashruuca inta laga gaa rayo bilowga wajiga 3aad ee Mashruuca, ayna ka wada shaqeeyaan bankiga adu unka, Xukuumadda Federa alka Soomaa liya, Dawlad Goboleedyada & Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta; si mashruuca wejigiisa 3aad u noqdo mid daboola baahida dalka. Iyada oo laga faa’ideysan ayo casharadii laga bartay wejiy5adii hore.

Shirka ayaa u mahad celiyay Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip