MADAXWEYNE FARMAAJO OO KORMEER KU TAGAY DEEGAANNADII LAGA XOREEYAY AL-SHABAAB

0
Friday April 19, 2019 - 21:32:39 in Wararka by
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KORMEER KU TAGAY DEEGAANNADII LAGA XOREEYAY AL-SHABAAB

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey AlShabaab ayaa faray hay'adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey AlShabaab ayaa faray hay'adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool oo ay Argagaxisadu muddo badan dhibaato ku haysey waa sida uu hadalka uu u yiriye. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida guulaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen  oo uu ku sheegay argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

"Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan."
 ayuu mar kale yiri md. farmaao
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta.


"Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan. ayuu erayo aad u xooggan ku yiri Md Farmaajo"

dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga Alshabaab, waxa uuna ku ammaanay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale uga saari lahaayeen ayuu ugu danbeyntii ku soo gunaanaday hadalkiisa .

DHAMMAAD

0S9A9384
0S9A9419
BE2I0415
0S9A9541
0S9A9434
0S9A9630
0S9A9435
0S9A9480
BE2I0427
©2019 Villa Somalia | Villa Somalia, Mogadishu, Somalia - Media@presidency.gov.so



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip