Qaadiga Maxkamadda oo xukunka goob fagaare ah ka akhrinayay ayaa sheegay in Ibraahim oo aan horay guur soomarin uu kufsaday mid kamida dumarka ku dhaqan deegaanka Dalandoole.

Ninkanay Alshabaabku ku eedeyeen falka Zinada ah ayaa lagu dhuftay 100 Jeydal waxaana laga masaafuriyay deegaankii uu falka Zinada ah ka geystay.

Maxkamadaha Alshabaab ayaa inta badan Xukuno kala duwan ku fuliya dad ay usoo qabtaan eedeymo kala duwan, iyagoo inta badan Xukunadaasi ku fuliya goobo fagaare ah oo la iskugu keeno Dadweyne farabadan.