Dib u dhac ku yimid shirkii Madaxweynaha uu ugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada

0
Friday April 19, 2019 - 21:01:29 in Wararka by
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib u dhac ku yimid shirkii Madaxweynaha uu ugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada

    Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee maanta loo ballansanaa inuu qabsoomo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee maanta loo ballansanaa inuu qabsoomo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 6-dii bishan warqad uu soo saaray waxa uu ku ballamiyay shirka Golaha Amniga Qaranka 19-ka bishaan oo maanta lagu waday in uu dhaco hayeeshee baaqday.

Inkastoo Dowladda Federaalka aan wali ku dhawaaqin baaqashada shirka, hadana waxa uu u muuqdaa in uu dib u dhacay sababo dhowr ah oo isbiirsanaya awgood, waxaana ka mid, Madaxda Dowlad Goboleedyada oo maalin ka hor shirarka imaan jiray Muqdisho, balse hadda ku sugan qaarkood Dibadda halka qaarka kalena ay joogaan xarumahooda.

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa ku sugan Magaalada Nairobi, Madaxweynaha Puntland ayaa isna ku sugan Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay joogaan xarumahooda.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegay inuu jiro khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, taasi oo sababi karta in dib loo soo celiyo Madasha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Shirkan ayaa qodobada looga hadli lahaa waxaa ka mid ah adkeynta ammaanka dalka, Dhismaha ciidanka xoogga dalka, la dagaalanka Mintidiinta Al Shabaab iyo kooxda Daacish.

Dhawr mar oo hore ayuu sidan oo kale u baaqday shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha uu ku baaqay, weli waxaa taagan tabashada ay qabaan Madaxda Maamul Goboleedyada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip