Laascaanood : Macalin u dhashay dalka Kenya oo Diinta Islaamka qaatay

0
Friday April 19, 2019 - 20:28:46 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood : Macalin u dhashay dalka Kenya oo Diinta Islaamka qaatay

    DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo u dhashay wadanka Kenya ayaa ku diinta Islaamka ku qaatay masjid Jaamaca magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool. Obimba oo sanadihii la soo dhaafay barre ka ahaa dugsiga sare ee Geteway ayaa ku qancay in uu ka tanaasu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo u dhashay wadanka Kenya ayaa ku diinta Islaamka ku qaatay masjid Jaamaca magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool. Obimba oo sanadihii la soo dhaafay barre ka ahaa dugsiga sare ee Geteway ayaa ku qancay in uu ka tanaasulo diintii uu horey u haystey oo uu qaato diinta Islaamka.

Sheekh Cali Macalin oo shahaadada u qabtay ayaa si aad ah u soo dhoweeyey ninkan oo ku lebisnaa direys bidhaamaya oo ah badanaa ka Islaamka calaamada u ah.

DOGO GUMO EVENS OBIMBA oo aad u faraxsan ayaa hadal kooban ka sheegay " dad badan ayaa isku deyey inay igu qanciyaan inaan qaato diinta Islaamka iyagoo Ii balan qaaday in ay isiin doonaan dhaqaale iyo waxkalaba, laakiin maanta waxaan islaamay anoog waxba aan Rabin"

Ninkan ayaa markii uu masaajidka ka soo baxay loogu yeedhayey Billaal iyadoo ay gelbinayaan macalimiinta iskuulkaas iyo culimo badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip