Dahabkaaga ayaan kuu hayaa !!!!

0
Tuesday April 16, 2019 - 23:00:44 in Wararka by
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dahabkaaga ayaan kuu hayaa !!!!

    Akhristoow, Dahab aad leedahay ayaan kuu hayaa!!!. Subaxan, ayaa Xaasku igu tiri: Faraantigeyga ayaan iska sii iibinayaa, kharajikii Waxbarashada iyo Bajaaj raacii ciyaalka ayaa batay.( F.S:1aad) Waxaan Ku iri: Aqbal, dib u eegid Ku sameey Miisaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristoow, Dahab aad leedahay ayaan kuu hayaa!!!. Subaxan, ayaa Xaasku igu tiri: Faraantigeyga ayaan iska sii iibinayaa, kharajikii Waxbarashada iyo Bajaaj raacii ciyaalka ayaa batay.( F.S:1aad) Waxaan Ku iri: Aqbal, dib u eegid Ku sameey Miisaaniyada wax barasho ee Caruurta.

Waxaan Soo Xasuustay Akhristoow, Dahabkii Anniga iyo Adiga Naga dhexeeyay.

Waxaa jiro keyd Dahab looxaan ah ” Gold Bars” oo noo yaal "National Reserve” dibadda ah, waxa uu ahaa qiimahiisu markii iigu dambeysay $25.000.000. oo ah Dahab Asala ah, waxa uu halkaa noo yiil in kabadan 30 Sanno. waa keyd Ka dhexeeyo Somali oo dhan oo aad qeyb Ku leedahay.(F.S:2aad)

Ha is dhihin, muxuu u sheegayaa, amaa la qaataa, haka baqin, taa Horaa la isagu dayay. Shuruuda Adag oo lagula sugayo ayaa Ku xiran qaadidiisa, taa anaa Kaa hubo, taxadarkuna ma xumo.

Ma jirto Sabab igu kalifee in aan been kuu sheego oo Qiyaamaha la iigu qabsado, waa Dahab keyd ah oo aad wax Ku leedahay, 30 Sanno Ka badan ayuu kuu yaal, annaga Somali ah ayaa dhiganay ee cid nagu sadaqeeysatay ma jirto.

Ubadkaaga ayaa kaa dhaxlayo, u sheeg in aad uga tagtay keydkaa Dahabka, ha ilaashadeen……Kan kale ee dhulka ugu jirana yeeyna tala xumo seejin.

Waa iga xasuusin Adiga xagaaga & Talo in Caruurtaadu eynan isaga dheelin dhaxalkaaga.

Wax bar Caruurta. Dhalin yarada maanta iyo Jiilasha dambe runta ha loo sheego.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip