Dad ayaa aaminsan inay weli yihiin Koofiya castii, kuwa kale ayaa aaminsan in koofiya castii ay weli joogaan= Nasashada Jimcaha.Q-143aad=

0
Friday April 12, 2019 - 22:01:39 in Wararka by
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad ayaa aaminsan inay weli yihiin Koofiya castii, kuwa kale ayaa aaminsan in koofiya castii ay weli joogaan= Nasashada Jimcaha.Q-143aad=

    1-Nin Reer Booraame ahaa oo la hadlayay barnaamijka "Cafi Walaal". Ayaa yiri: Sannadkii 1989kii ayaa Ciidamadii Koofiya castii Siyaad Barre oo Dad ku xasuuqayay magaalada Hargesa, ayaa gabar yar oo aad u Qurxaneyd oo 16 jir aheyd oo ey kufs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Reer Booraame ahaa oo la hadlayay barnaamijka "Cafi Walaal". Ayaa yiri: Sannadkii 1989kii ayaa Ciidamadii Koofiya castii Siyaad Barre oo Dad ku xasuuqayay magaalada Hargesa, ayaa gabar yar oo aad u Qurxaneyd oo 16 jir aheyd oo ey kufsan rabeen, ayaan gurigeeyga ku qariyay. Waana ka badbaadiyay. Shiikhii ayaa ku yiri: Wanaag ayaad sameysay, ajir Alla ha kaa siiyo. Ninkii ayaa yiri: Shiikhoow, Quruxleeydii weli banaanka uma bixin, Gurigeeyga ayeey Joogta, hadda ( 2019) ma u sheegi karaa in koofiya castii Maxamed Siyaad eynan wadanka joogin, Siyaad Bare-na uu Geeriyooday.( F.S: 1aad) (Dad ayaa aaminsan inay weli yihiin Koofiya castii, kuwa kale ayaa aaminsan in koofiya castii ay weli joogaan, Somaliyey ,Runta ha la isku sheego hana leys Cafiyo)

2-Nin Masuul ah ayaa Hooyadii ugu dambeeyn Telephone-kii ka qabtay, kadib 16 Missed call iyo 11 Message, kuna yiri: Hooyo sow kuma dhihin Markii aan shaqo ku jiro ha iso wicin.

Hooyadii ayaa ku tiri: Wiilkeeygiyoow, waxaad iska soo hilmantay Quraacdii, waana kuu soo qaaday ee hoos u soo deg ,banankana u so bax aan ku siiyee.( F.S:2aad)

( Madaxda qaar hala yaabin haddii ay telephone-ka kaa qaban waayaan, raggaa oo kale ayaa ku jiree)

3- Arday dhigta Dugsiga dhexe ayaa Macallinkii Maaddada English-ku ugu Qoray Sabuuradda erayo ku cusub oo ah "Hour”= "Saacad” iyo "Honour”= "Sharaf ”. Marki u sharxayay waxa u macallinku u sheegay in Xarafka "H” aan lagu dhawaaqin. Fasaxii xisadaha dhaxdooda ayaa Macalinkii Ardaydii mid ka mid ah ku yiri: Raashinkaan ii soo kuleeyli "Heat it” iina soo celi.

Ardaygii Raashinkii ayuu cunay, kadibna weelkii oo faaruq ah ayuu Macalinkii u soo celiyay. Macallinkii oo careysan ayaa ku yiri: Maxaad sameysay?. Ardaygii ayaa yiri: Macallin markii aad ii dhiibeysay waxaad igu tiri: " Heat it” soo kuleyli anna waxaan ka tagay "H-tii” waxaana ii soo baxday "Eat it” anna waa cunay. (F.S: 3aad)

( English-ka Reer Diaspora ee Dalqada laga hadlayo siddii sanqoolna loogu dhawaaqayo iyo Kan lagu barto Dugsiga " High Linguistic school” ee xaafadda Labadhagax ee Deg.wardhiigley ha leeys waafajiyo, iyaguna Somali fiican ma yaqaaniin, annaguna English fiican ma naqaan, see leeysku fahmaa?)

4- Nin oday ah ayaa loo guuriyay Gabar 16 jir ah oo caato ah, waxa uu is yiri: waqti sii, si ey gurigaaga ugu korto, lama gaarin waqti Naag ahaan loo niyeeysto.

Muddo kadib ayey Barkinta hoosteeda u galisay "Xaar” yar, markii uu sariirta jiiftay ayuu yiri: waa maxaay waxa soo urayo?. qolkii ayuuna baartitaan ku bilaabay. Waxa ey ku tiri: waa Xaar yar oo Barkinta hoosteeda ku jiro. Ninkii ayaa ku yiri: See wax kaa noqdeen, ma Xaaraa yaraan leh. Waxa ey ku tiri: Waa Runtaa, waxaan maqli jiray, Xaar iyo Naaguba yaraan male. Haaheey, Jimco wanaagsan.( F.S: 4aad)

( Asgari ayaa yiri: Markii aan kala wareeg ku lahaa Ninka naagta Foosha ah weday, aniga miyaa Dhashiike weyn ku riday, Xabbad yar oo AK ah ayaan dhulka ugu dhuftay, firir yar ayaana lugta ka gaaray, Alla mahadii Naagtiisiina Fooshii ayaa u fududaatay oo meeshii ayeyba wiil yar ku dhashay—Ar- Xabbadu yaraan male, Dhashiike iyo AK-ba ee Shacabka & Ciidamada ha la is fahamsiiyo)

5- Seminar loogu qabanayay Hotel Jazeera Qurba joog iyo Dal joog, ayaa saf loo galay wiishkii Hotelka, wiil Dal joog ah ayaa isaga oo aan u kaseeyn, xusulka uga dhuftay Naaska, Habar qurbaha ka timid oo safka ku jirtay. Isaga oo naxsan oo erayo Romantic ah iska raadinayo ayuu ku yiri: Haddii qalbigaagu u jilcan yahay,sida Naaskaaga waad i cafin doontaa.

Waxa ey ku tiri: Haddii ragga nimadaadu u adagtahay sida Xusulkaaga ,waxaan degenahay Qolka : A 609. ( F.S: 5aad)

( Guulaha Seminar-ka, Iyo is dhaxgalka, guri cusub ayaa la unkay)

6- Nin Reer Af madoow ah, ayaa Guursaday Naag Reer Baraawe ah, waxa uu ku yiri: Markii aad ila hadleyso Af Barawaani ha igula hadlin, waxaan u qaadanaa in aad i ceeyneysid. Weeyna ka ogolaatay. Agaa, Kabta tan iyo Awoogaa Alla gub, markii la isla fahmay. Ayuu maalintii Dambe u soo iibiyay Telephone Samsung ah.

Markii uu soo wacay ayuu ka maqlay Telephonkii, "Please call back” iyo "Not available”. Markaa ayuu ku yiri: Awoowgeed Alla Gub, soo taan ku balanay Af Barawaanka ha igula hadlin. ( F.S: 6aad)

( Xaasasku ha isku dul qaateen, is faham la’aan yar, yaan lagu kala tagin. Haddad rabto guur aan fashilmin oo aan la is khilaafin, isku guuri, Nin indhool ah iyo naag dhagool ah, haddii la waayana, ha leeysku samara, Guurku waa Samir)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip