Xildhibaan aan Dastuurka si fiican u fahmin, ayaa yiri… =Nasashada Jimcaha.Q-142-aad

0
Friday April 05, 2019 - 21:46:41 in Wararka by
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan aan Dastuurka si fiican u fahmin, ayaa yiri… =Nasashada Jimcaha.Q-142-aad

    1.Hooyo ayaa wiilkeedii wax barashada ka diiday, maalintii Dambe ayey u geeysay Macalinkii Dugsiga. Kuna tiri: Macalimoow, wiilkaan wax barasho waan ku kari waayay, hadduu Casharka ka bixi waayay ama uu war kaa diido. Ha iga tumin ee Waxaad Garaacdaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1.Hooyo ayaa wiilkeedii wax barashada ka diiday, maalintii Dambe ayey u geeysay Macalinkii Dugsiga. Kuna tiri: Macalimoow, wiilkaan wax barasho waan ku kari waayay, hadduu Casharka ka bixi waayay ama uu war kaa diido. Ha iga tumin ee Waxaad Garaacdaa wiilka kale ee dhiniciisa fadhiyo, isagaa markaas Cabsan doono,oo wax iska Aqrin doono.

( Gudoomiye Maamul gobaleed ayaa yiri: Golaha Shacabku waxa uu matalaa shacabka, laakin Aqalka sare waxa uu matalaa Goballada,Hadduu war kaa diido Gudoomiyhu, ha eryin,ee waxaad eridaa Gudoomiyaha Golaha shacabka isagaa u timo eg, markaa ayuu baqayaa. Ar dhalin yarooy Odayaasha yaan laga inkaarsan).

(F.S: 1aad).

 

2- Oday ayaa soo ag maray, Laba Gabdhood oo aad u Qurux badan oo qosqoslayo. Inta Quxudooda ka yaabay ayuu yiri: Ar Dumaraa, kuwaani waa kuwii Nabi Yusuf CS lagu ebteleeyn rabay. Mid ayaa maqashay oo ku tiri: Adeeroow, ma annaga ayeey aheyd kuwii Ceelka ku riday.( F.S: 2aad)

( Nin siyaasiya ayaa yiri: Nabadgalya xumida waxaa keenay Shacabka oo aan doorkiisii ka qaadan, Gabar ayaa ku tiri: Adeeroow, ma anageey aheeyd, kuwii laga rabay in ey Ciidanka Mushaar siiyaan)

3- Siidoow oo Reer Jowhar ah ayaa maqley Wadaad wacdinaya oo leh: Gabadhii Catar iyo Barafuun marsata ee Magaalada soo aado, Ragguna Caraftaa Darteed ey Fiirfiiryaan, waxay la mid tahay iyada oo Sineysatey. Siidoow ayaa Suuqa ku arkay Gabar ka adeeganeyso oo aad u carfeeyso.

Suuqa banaankiisa ayuu ku sugay, Markii ey soo baxday ayuu ku yiri: Abaay, Dambi kuuma yaree, kaalay luuqa na keen aan dhameeystirnee. ( F.S: 3aad)

(Xildhibaan aan Dastuurka si fiican u fahmin, ayaa yiri: Xasaanad ayaan leeyahay, Canshuurtana la igama qaadi karo)

4.Nin aad u gaabnaa ayaa inta uu hindhisay, madaxa dhulka ku dhufsaday. Macallin Fisikiska dhiga meesha taagnaa ayaa yiri: Marka la fiiriyo Masaafada Madaxiisa iyo dhulka u dhexeeyso, Xawaaraha ey hindhisyadu ku socotay iyo Cuf Jiidka dhulka. Markii uu halkaa marayo ayaa, Mid meesha taagnaa ayaa ku yiri: war macallin halkaa ku ekeey casharka, ma indha beeshay?. hoos fiiri, Ninku moos ayuu ku istaagay. ( F.S: 4aad)

( Mid Qurbaha ka yimid ayaa yiri: Si Magaaladu nabad u noqoto, Shaqaaluhu waa in ey helaan Free insurance, Fasaxa shaqadana waa in aan laga jarin mushaarka, cashuunta mushaarkana waa in laga yareeyo, Musharaakana waa in 60% loo kordhiyo. Oday ayaa ku yiri: igaarkeey ma riyooneysaa, mushaar, mushaar lee ku heeysaa, la shaqeeyo maka horeeysoo)

5-Wiil Qurbaha ka yimid ayaa weeydiistay in loo doono Gabar aad u wanaagsan. Waxaa lagu yiri: Waxaan kuu heeynaa Gabar, Asturan oo aan weli shukaansi bilaabin.

Gabadhii ayaa lagu yiri: Waxaan kuu heeynaa,Wiil Qurbaha ka yimid oo guurdoon ah, aadna u wanaagsan,weligiina aan hore u guursan. Waana la isku guuriyay.

Markii ey Todobada ka bexeen ayuu ku yiri: Haddii aan run kuu sheego, ma tihid Gabadhii iigu horeeysay ee aan u galmoodo. Waxa ey ku tiri: Haddii aan Run kuu sheego, khibradaada Galmadu wey yartahay, weli Casharo badan ayaa kuu dhiman. Waxa uu ku yiri: Sey Wallaahi.

( Dhalin yarada Qurbaha iyo kuwa Gudaha yaan been loo sheegin, iyagaaba Runta isku sheegi doonee)

6-Naag ninkeedii safar ku maqan yahay ayaa habeenkii tuug u soo galay,wuuna kufsaday,intii uu kufsanayay ayey telephone dhinaceeda yiil soo qabsatay kana wacday Police-kii. Iyada oo qeylineeysa, aaaa, aaaaah. Police-kii ayaa yiri: Haloow, Haloow, maxaa kugu dhacay hadal?.waxa ey ku tiri: waxaan degenahay, Guriga No.14A, Tuug ayaa i kufsanaya hadda, Fadlan Berri imaada ee xira tuugan Dambiilaha ah. ( F.S: 5aad)

( Gudoomiye degmo ayaa Dad dan yar ah Dhul ka dhacayay, Taliyihii Saldhiga ayaa Dacwadii loo geeyay. Waxa uu ku yiri: Dacwada waqtigeedii lama gaarin, Madaxdeeydana kama hor imaan karo, ee Dacwada la suga Taliyaha Saldhiga ee la igu Bedeli doono).

Qore: Yahya Amir

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip