Wariye Dulyar : "Maxaa Been Isdabataal…!

0
Tuesday April 02, 2019 - 23:47:11 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Dulyar : "Maxaa Been Isdabataal…!

    MAXAA BEEN ISDARAAL.!! Xildhibaan dhul dowladeed dhacay baa ku doodaya Dalkaanu isla xisaabtan buu u baahan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAA BEEN ISDARAAL.!! Xildhibaan dhul dowladeed dhacay baa ku doodaya Dalkaanu isla xisaabtan buu u baahan yahay.

-Taliye ama Wasiir hantidii loo dhiibay daaro waaweyn ku dhistay ayaa ku leh dalkaan wax looma qaban ee waa laga shaqeystay.

-Xildhibaano & Masuuliyiin dowladeed oo markaad la sheekeysato kuugu jawaabaya dalkaan xaalkiisu ma dhowa waxna lagama qaban karo ayaa hadana bil walba mushaar u xaadira.

-Generaal iyo Gudoomiye Gobol oo isagoo boorso kaliya wata dibada ka yimid ayaa maanta Dabaqyo iyo Bullet Proof ku socda wuxuuna naleeyahay dalkaan musuqmaasuq baahsan baa ka jira hantidii umadana waa lagu takri falay.

RW & MD balanqaadoodii noqday jid la xiro iyo Caasimaddii oo la sii kala qeybiyo, ayaa maalin walba naleh horaa loo soconayaa


-Wasiir kale iyo Xildhibaan kale oo in muddo ah boobka hantida hormuud u ahaa lana yaqaano waxey faleen ayaa ku doodaya Dowladaani waa aamin waxeyna la dagaashay hantidii shacabka ee la iska guran jiray.

-AgaasimeGuud oo shalay baadiye ka yimid oo aan aqoon laheyn oo 4 sano gudahood guryo iyo ganacsi bilaabay ayaa waxa uu ku leeyahay Walaalayaaloow dowladnimaa na deeqdee aan dalkeena u hiilino.
-Mucaarad aan qof baahan maalina qedo siin oo dhimashada & dhaawacyada tiraya,ayaa naleh Madaxdaani waxba maqaban dalkiina halis buu ku jiraa.

-Xulka K/Cagta Soomaaliya oo aan 29 sano wax Cup ah soo qaadin ayaa sanad walba safar loo wadaa waxeyna Xiriirkeena Sportigu naleeyihiin waxaa la gaaray horumar wanaagsan.
-Wadaad shalay lahaa Waxa madaxtinimada loogu soo wada ordayo waxaa la rabaa in dalka lagu dhaco,Ayaa hada naleh Dalka waxaa maanta madax ka ah kuwii ugu fiicnaa oo aaminka ahaa ee hala taageero dowladnimada.

-Kuwa shalay madaxdii hore meel cidlo ah ka ceyn jiray ayaa maanta markii madaxdaan wax laga sheeg hah kugu soo leh sidii inaad beer ka daaqday.
– Qof derejo Ciidan ka bilaabay Gaashaanle 4 sano gudahoodna ku noqday General ayaa maanta na leh Ciidaanka waxaa ka dhexjira musuqmaasuq.

WARYAA TANOO KALE ARKAY.!!

Wariye Abdulqadir Farah Dulyar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip