Eden Hazard Oo Ugu Danbayn Ka Baxay Abaartii Gool La'aanta Ahayd Ee Xili Ciyaareedkan Ku Habsatay Isaga Oo Muddo Sideed Bilood Ah Kadib Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay

0
Monday February 01, 2016 - 12:12:30 in Sports News by
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Ugu Danbayn Ka Baxay Abaartii Gool La'aanta Ahayd Ee Xili Ciyaareedkan Ku Habsatay Isaga Oo Muddo Sideed Bilood Ah Kadib Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay

    Xidiga xulka qaranka Beligium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa ugu danbayn ka baxay abaar gool la'aanta ahayd oo uu ku soo jiray muddo dheer isaga oo aan shabaqa soo taaban ilaa iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore, wuxuuna gool rekoodhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Beligium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa ugu danbayn ka baxay abaar gool la'aanta ahayd oo uu ku soo jiray muddo dheer isaga oo aan shabaqa soo taaban ilaa iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore, wuxuuna gool rekoodhe ah ka dhaliyay kulankii ay Chelsea ku soo xasuuqday kooxda MK Dons ee wareega afraad ee FA Cupka.

Hazard ayay gool uu Chelsea u dhaliyaa ay ugu danbasyay bishii May 2015 kii ee dhamaadkii xili ciyaareedkii hore markaas oo uu Chelsea udhaliyay gool kaliya oo ay guul kaga gaadhay kooxda Crystal Palace markaas oo ay Blues ku guulaystay koobkii horyaalka Ingiriiska ee xili ciyaareedkii hore.Hazardd

Hazard ayaan Chelsea wax gool ah udhalin 31 kulan balse ugu danbayn Hazard ayaa indha aduunka iska jeediyay isaga oo Blues goolka afraad rekoodhe ugu dhaliyay kulankii ay kooxda Guus Hiddink ugu soo baxday wareega shanaad ee FA Cupka oo ay la ciyaari doonto Manchester City.Hazard ayaa kulankii MK Dons dib ugu soo laabtay shaxda Blues balse qaab ciyaareed fiican oo uu soo badhigay ayuu ugu danbayn ku masaxay taariikhdii

madoobayd ee soo martay xili ciyaareedkan

.Hazard11

Qaab ciyaareedkii liitay ee Hazard uu xili ciyaareedkan ku soo badhigay Stamford Bridge ayaa keentay in xidiga ree Belgium lala xidhiidhiyo kooxaha Real Madrid iyo PSG.Iyada oo la galay qaybtii xili ciyaareedka ugu muhiimsayd ayuu goolkani kalsooni ku soo celi karaa xidiga haysta abaal marinta xidigii xili ciyaareedkii hore Premier Leaque-ga guu fiicnaa.Hazard1





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip