Mushaarkii Ciidamadana , ma ogi. !!!!=Nasashada Jimcaha.Q-140-aad=

0
Friday March 22, 2019 - 21:40:47 in Wararka by
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mushaarkii Ciidamadana , ma ogi. !!!!=Nasashada Jimcaha.Q-140-aad=

    1-Haweeney ayaa Ninkeeda tusisay, sawir Dad Barakacyaal ah oo aad u baahan, waxa ey ku tiri: Xabiibii in Dadkeenu sidaan u baahanyahay annana aan dharganahay, Aakhiro waa nalagu ciqaabayaa. Waxa ey tiri: Sawirku waa xero ku dhegan Dugsiga uu wiilkeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Haweeney ayaa Ninkeeda tusisay, sawir Dad Barakacyaal ah oo aad u baahan, waxa ey ku tiri: Xabiibii in Dadkeenu sidaan u baahanyahay annana aan dharganahay, Aakhiro waa nalagu ciqaabayaa. Waxa ey tiri: Sawirku waa xero ku dhegan Dugsiga uu wiilkeenu wax ku barto, waxaana Arday kasta laga codsaday in uu ku deeqo $150. Odaygii waa soo deynsaday Lacgtii, waxa uuna u dhiibay $ 150 Xaaskii si ey ugu dhiibto wiilkeeda Ardayga ah.

Wiilkii ayaa soo maray Aaabihii kuna yiri: Aabe waad ku mahadsan tahay $ 50 in aad ugu deeqday walaalaheena barkacayaasha ah. Galabtii ayaa waxaa soo wacay Maamulihii Dugsiga kuna yiri: waad ku mahadsan tahay in aad $10 ugu deeqday Barkacayaasha. ( F.S: 1aad)

Aabihii ayaa yiri: waxaan isku maleeynayay in aan ahay Aabe hogaamiyaa Qooys wanaagsan, ileeyn Burcad ayaan hogaamiye u ahay.

(Mushaarkii Ciidamadana , ma ogi. !!!!) (F.S: 2aad)

2- Nin Sheekh Cabdi Qurbo ah ayaa waxa uu guursaday Gabar yar oo Xaafadda degan oo ey is garanayaan Xaaskiisa weyn, laakin waa ku inkiray, mar kasta waxa uu ku yiraa Sheeydaanka iska naar, waa been, markii ey ka aqbasho haddana waa soo gucataa, isna Sheeydaanka iska naar ayuu ku yiraa.

Maalintii dambe ayaa Sheekhii iyo Minyaradii qorsha degeen. Minyaradii ayaa tagtay gurigii Minweynta, waxa eyna ku tiri: Aaway Sheekhii muraad ayaan ka leeyahaye, Minweyntii ayaa tiri: Masjidka ayuu jiraa ee Sug, Qolkii fadhiga iyada oo fadhida ayaa Sheekhii yimid. Minweyntii ayaa ku tiri: waxaa ku sugaya, Naag Qolkaa ku jiro, waxa uu ku yiri: soo gal adiguna, Nin iyo Naag kaligood ah, Sheeydaan ayaa sadaxeeyo, Waana la soo gashay.

Naagtii martida iska dhigeeysay ayaa ku tiri: Sheekhoow Ninkeyga ayaan ka shakiyay in uu Naag kale ila qabo, markaan weydiiyana waxa uu igu yiraa waa been. Sheekhii ayaa ku yiri: Hadalkiisa aamin oo Sheeydaanka iska Naar, Naagaha oo dhan ayaa shakigaa qabo, xattaa qoftaan Xaaskeyga ah , waxa ey aaminsan tahay in aan Xaas kale qabo. Si kasta oo aan wax ugu sheego Sheeydaan ayaa waswas galinayo.

Sheekhii ayaa yiri: Haddii Xaas aan qabo ey jirto oo aan qolkaan dhax joogin waaba iga furan tahay. Minweeyntii ayaa soo booday, iyada oo aaminsan in kaligeed ey tahay Xaaska Qolka ku jirto. Kuna tiri: sheekhoow maanta kadib sheedaan waa iska naaray. ( F.S: 3aad)

( Nin Musharax siyaasadeed ahaa oo la hadlayay Ururka Haweenka ayaa yiri: Haddii la i doorto Waxaan wax ka qaban doonaa, , Amniga, dhisidda Ciidan Qaran, xasilinta Dalka, la dagaallanka Musuqmaasuqa, hagaajinta Maamulka iyo Maareeynta dhaqaalaha Dalka. hirgelinta Cadaaladda iyo Garsoorka, dhameystirka Dastuurka, xoojinta Federaalka, Horumarinta Dimuquraadiyadda iyo dhameystirka dib u Heshiisiinta, Daryeelka iyo Dhowrida Xuquuqda Haweenka. ….Haddii sheekhii & Siyaasigii sidaa ugu been sheegayaan Haweenka…. War, waa Hooyadaa Qofka aad beenta ku cabeeysid ee Samirka badan).

3- Gabar ayaa Ninkeeda ku tiri: Xabiibi Maxaa baryahaan kaa khaldan?. Markaa ayuu ku yiri: Dhibaato ayaa iga heysata Xafiiskeeyga iyo Shaqadeyda, mana Jecli in aan Maskaxda kaa mashquuliyo oo adiguna aad ku wareerto. Markaa ayey ku tiri: Gacaliye Xafiiskeyga ha dhihine Xafiiskeena, Shirkaddeena, Gaarigeena Lacagteena, dheh. ileen isku mid ayaan nahay oo wax kasta waa naga dhexeeyaan. Markaa ayuu ku yiri: waayahay, Xabiibatii, haddii ey sidaas tahay Gabadha Xafiiska nooga shaqeyso ee Gacan yaraha noo ah ayaa UUR 3 Billood ah noo leh e sidaas ogaaw. Yaah ,yaah, yaah, ma Qurbaha & Qaboowgaad iiga tagee, Xogheeyntuna waa Minyaro, maalmo ku mood ah. ( F.S: 4aad)

( war haweenka Beenta ka daaya)

4- Nin Deriska aad ugu naxariisan jiray ayaa Laba wiil oo mataano ahaa oo aad isagu ekaa, oo uu dhalay ku yiri: Dhar cadcad ku Labista ee u taga Ninkaa Deriskeena ah ee khamriya cabka ah, kuna dhaha waxaan nahay Malaa’ig , soona wacdiya .

Wiilashii Mataanaha ahaa Ninkii ayey u tageen oo wacdiyeen. Waxa uuna ku yiri: Malaa’igeey waan aqbalay wacdigiinii, khamri dambena cabi maayo.

Waxa ey ku yiraahdeen: khamriga ka sokoow Dambi kale ma gashay? Waxa uu ku yiri: Hal mar, Nin deriskeyga ahaa oo Gurigaa degan oo safar ku maqan ayaan habeen la seexday Xaaskiisa, Uurkii ey Qaadayna laba wiil oo mataano ah oo aad isagu ayey dhashay, arrintaa cidna uma sheegin.

Mataanihii Aabahood ayey u soo laabteen, waxa eyna ku yiraahdeen: Aabe is deji. Amarkaagii waan fulinay, Ninkiina khamrigii waa ka haray, Laakin , waxaan u tagnay annaga oo Malaa’ig ah, waxaana soo noqonay inaga oo Wacallo ah. Aabihii ayaa ku yiri: Haddana iska seexda Adinkoo Labo Aabe leh. ( F.S: 5aad)

( Wafdigii Somaalida ee aad Deriska u Dirtay, waxa ey soo Noqdeen, iyaga oo laba Madaxweyne leh, Adiguna iska seexo adigoo leh Laba Callan oo laciif ah) ( F.S: 6aad)

5-Nin ayaa yiri: shiikhoow haddii Libaax iga soo hor baxo anniga oo tukanayo, Salaada ma sii wadan karaa? Shiikhii ayaa ku yiri: Haa haddiba weeysadu kuu sii dhawrantahay……… armaa kaadiyo kaa soo fakataa!!!!.

( Asgari AMISOM ah oo Dalkiisii ku noqday, ayaa waxaa su’aal weydiiyay mid cusub oo lagu soo bedelayay,kuna yiri: Hadduu iga soo hor baxo, somaali caata ah oo indha guduudan, soow 10 xabadood wajiga ugama dhufan karo. Kii kale ayaa ku yiri: Haa, waa Haddiiba Qorigu gacantaada ku sii jiro) ( F.S:7aad)

6- Nin qabay Naag fool xun ayaa, iyaga oo jidka marayo, waxaa ka hor yimid Nin tuugsanayo,waxa uu ku yiri: Naagtii, Quruxdaan ALLE ku siiyay darteed igu caawi oo wax igu sadaqeyso. Farxad ayey buursada u furtay. Ninkeedii ayaa horay jeebka gacanta u galyay, Lacagna ka soo bixiyay oo Miskiinkii ku yiri: Hoo lacagtaan, Baahi kaliya kuma heeyso ee indha la’aan yaa kuula jirto, haddii aad tan qurux ku sheegtay.

( Masuul ayaa ka hadlayay horuumarka wasaaradiisu gaartay, wariiyihii ayaa Codbaahiyihii ka damiyay, kuna yiri: mudane, wasiir warkaagu faan kaliya ma ahan ee Aqoon la’aan ayaa kuula jirto)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip