Louis van Gaal Oo Sheegay In Man United Ay Ku Riyooneyso Hanashada Koobka FA Cup Ka Dib Guushii Ay Ka Gaareen Derby.

0
Saturday January 30, 2016 - 13:54:15 in Sports News by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis van Gaal Oo Sheegay In Man United Ay Ku Riyooneyso Hanashada Koobka FA Cup Ka Dib Guushii Ay Ka Gaareen Derby.

    Manchester United ayaa ku riyooneysa inay hanato koobka FA Cup xilli ciyaareedkan, sida uu sheegay tababare Louis van Gaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa ku riyooneysa inay hanato koobka FA Cup xilli ciyaareedkan, sida uu sheegay tababare Louis van Gaal.

Goolal ay qeybtii labaad dhaliyeen Daley Blind iyo Juan Mata ayaa xaaqiijiyay guushii ay gaartay kooxda United ka dib markii goolka George Thorne uu kansalay goolkii furitaanka Wayne Rooney ee daqiiqadii 16aad.

Guushaan ayaa aheyd jawaabta saxda ah ee ay bixi kartay United ka dib guuldaradii Premier League ee isbuucii hore ka soo gaartay Southampton, waxaana ay cadaadiska ka qaaday tababaraha uu cadaadiska saaran yahay ee Van Gaal.

Derby-County-v-Manchester-United-FA-Cup-Fourth-Round

Tababaraha reer Holland ayaana isha ku haya inuu kooxda u qaado koobka FA Cup markii ugu horeysay tan iyo sannadii 2004.

Waxa uu yiri: "Malaha waxa ay aheyd si ka fiican sidii aan tababarka ku sameynay. Waxaan la ciyaarnay waqtigii ku haboonaa kooxda iska caabinta waday ee Derby.

"Goolkooda waan siinay laakiin waqtigii nasashada waxaan sheegay inay aheyd qaab ciyaareed fiican islamarkaana inaan halkeeda ka sii wadno oo aan guuleysan doono. Waana sameynay.

"Premier League aad ayuu muhim u yahay laakiin FA Cup ayaa ah koobka ugu weyn England isagoo leh taariikh dheer oo muhiim ah. Kuma aanan guuleysanin muddo dheer sidaasi darteed waan ku riyooneynaa inaan qaadno, laakiin labo guul ka dib ma dhihi karno waan ku guuleysan doonaa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip