Tababare Diego Simeone Oo Tijaabiyay Shax Ciyaareedka 4-1-4-1 Ka Hor Kulanka Maanta Ee Camp Nou.

0
Saturday January 30, 2016 - 13:49:19 in Sports News by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Diego Simeone Oo Tijaabiyay Shax Ciyaareedka 4-1-4-1 Ka Hor Kulanka Maanta Ee Camp Nou.

    Atlético Madrid ayaa qorsheyneysa inay sameyso feejignaan kasta oo lagama maarmaan ah kulanka ay Camp Nou galabta ku wajahayaan kooxda Barcelona, waxaana taasi laga dheehan karay tababarkii ay shalayto sameeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Atlético Madrid ayaa qorsheyneysa inay sameyso feejignaan kasta oo lagama maarmaan ah kulanka ay Camp Nou galabta ku wajahayaan kooxda Barcelona, waxaana taasi laga dheehan karay tababarkii ay shalayto sameeyeen.

Diego Simeone ayaa shalayto tijaabsaday shax ciyaareedka 4-1-4-1 ka hor kulanka ay la leeyihiin kooxda ay wada hogaaminayaan horyaalka, iyadoo afar xiddigay khadka dhexe ka ciyaareyso islamarkaana saxiixa cusub Augusto Fernandez uu ka horeeya afarta daafac ee danbe. Antonie Griezmann ayaa noqon doona gooldhaliyaha kaliya ee afka hore ee kooxda martida ah.

1454100447_437958_1454100517_noticia_normal

Simeone ayaa qorsheynaya inuu celiyo weerarka seddex aflaha ah ee Leo Messi, Neymar iyo Luis Suarez isagoo isku dayi doona inuu kala jaro xiriirka ka dhaxeeya khadka dhexe ee Barcelona iyo weerarka seddexda ah ee afka hore, waxaana garbaha ka ciyaaraya Gabi iyo Saul kuwaasoo diyaar u noqon kara kubadaha rogaalceliska ah.

Tababaraha reer Argentina ayaa Griezmann ka dhigan doona gooldhaliyahiisa kaliya iyadoo Angel Correa uu ganaax ku maqan yahay halka Fernando Torres uu dhaawac yahay. Jackson Martinez iyo Luciano Vietto ayaa iyagana ka fog qaab ciyaareed wanaagsan sidaasi darteed waxa ay ku soo bilaaban doonaan kursiga keydka.

11ka ciyaaryahan ee uu shalayto tijaabsaday Simeone ayaa kala ah: Oblak; Juanfran, Godín, Giménez, Filipe; Augusto; Koke, Saúl, Gabi, Carrasco; Griezmann.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip