MAQAAL:Ka Hor Kulanka Adag Ee Barcelona Vs Atletico Madrid,

0
Saturday January 30, 2016 - 13:43:27 in Sports News by
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL:Ka Hor Kulanka Adag Ee Barcelona Vs Atletico Madrid,

    Shan Xaqiiqooyin Iyo Shan Qodob Oo Ay Tahay In Aad Wax Ka Ogaato Iyo Hogaanka La Ligaha Oo Caawa Kulan Lix Dhibcood Ah Loogi Tartami Doono Indho oo dhan ayaa galabta ku soo jeedsan doona Camp Nou, marka ay Barcelona soo dhawayso kooxda ay isku dhibc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Xaqiiqooyin Iyo Shan Qodob Oo Ay Tahay In Aad Wax Ka Ogaato Iyo Hogaanka La Ligaha Oo Caawa Kulan Lix Dhibcood Ah Loogi Tartami Doono Indho oo dhan ayaa galabta ku soo jeedsan doona Camp Nou, marka ay Barcelona soo dhawayso kooxda ay isku dhibcaha yihiin ee Atletico Madrid.

Mar kasta oo ay Atletico Madrid la ciyaarayso kooxaha Barcelona iyo Real Madrid waa kulamo la filan karo in ay saamayn wayn ku yeelan karaan kala saraynta horyaalka La Ligaha, laakiin markan xaalku wuuba ka sii daran yahay oo Balaugrana iyo Rojiblancos, waxay kulankan ciyaari doonaan iyaga oo min 48 dhibcood wadaaga.

Kulankani Barcelona iyo Atletico Madrid oo kaliya muhiim uma aha balse waxa uu sidoo kale muhiimad gaar ah u yahay kooxda Real Madrid oo iyaduna doonaysa in ay culayska soo saarto labadan kooxood balse waxa ugu fiican ee ay kulankan ka rajaynayso ayaa ah barbaro ama in Barcelona laga guulaysto.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shan xogood iyo shan qodobo ay muhiim tahay in aad ka ogaato kulankan.Haddaba halkan kaga bogo shan xogood iyo shanta qodob oo aanu idiinka soo ururinay kulankan mihiimka ah.Barcelona Vs Atletico Madrid

Shan Xogood oo aad uga baahan Tahay In Aad Kulanka Barcelona Vs Atletico Madrid ka ogaato:-

1-Barcelona ayaan 11 kulan oo La Ligaha ah aan wax guuldaro ah kala soo kulmin Atletico Madrid, sagaal kulan Barcelona ayaa soo guulaysatay halka ay labada kulan ee kale barbaro galeen labada kooxood.

2-Haddii aan dib ugu laabano markii uu ciyaartoyga ahaa, Luis Enrique ayaa kooxda Atletico Madrid ka jabiyay rekoodhkii ugu dheeraa ee uu goolhaye Atletico Madrid ahi uu shabaqa ilaashaday. Enrique ayaa shabaqa ka soo taabtay goolhaye Abel Resino kaas oo sanadkii 1991 kii shabiqiisa gool ka ilaaliyay 1,275 daqiiqo balse Enrique ayaa sheekadaas oo laabay, markale Enrique ayaa xili ciyaareedkii hore soo gabagabeeyay dhibaatadii Barcelona ka haysatay Atletico Madrid

.Ronaldino and Enrique

3-Kooxda Atletico Madrid ayaa xili ciyaareedkii 2013/14 horyaalka La Ligaha ku qaaday Camp Nou kadib markii ay maalintii xili ciyaareedka ugu danbaysay ay Camp Nou barbaro 1:1 ah kula gashay Barca isla markaana ay sidaa ugu guulaystay koobkeedii horyaalka La Ligaha ee ugu danbeeyay.Barcelona ayaa haddii ay guulaysan lahayd horyaalka qaadi lahayd balse barbaro ay labada kooxood galeen ayaa Barcelona u sababtay in ay xili ciyaareedkaas ku dhamaystay koob la’aan.

4-Shantii kulan ee ugu danbeeyay oo ay Barcelona iyo Atletico Madrid wada ciyaareen horyaalka La Ligaha ayaa qaybta hore ku dhamaaday barbaro gool la’aan ahaa, markale miyay sii socon doontaa mise waxbaa iska badali doona?.

5-Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawayn doonta Atletico Madrid iyada oo ayna kooxda Enrique wax guuldaro ah soo arkin 25 kii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan, laakiin tababare Luis Enrique ayaa doonaya in uu jabiyo rekoodhkii Gauardiola uu 28 kulan aanu wax guuldarada ah kula

.Messi1

Shan qodob oo ay tahay in laga hadlo kulanka Barcelona vs Atletico Madrid:-

A) Atletico Madrid waa boqorada difaaca Yurub:-

Kooxda Diego Simeone ayaa cadaysay in ay tahay boqorada difaaca ee yurub iyada oo 21 kulan oo horyaalka ah laga dhaliyay sideed gool oo kaliya. Atletico ayaa xili ciyaareedkan muujisay in ay tahay kooxda ugu difaaca fiican Yurub, waxaa intaas dheer in ay 14 kulan garoonka ka baxeen iyada oo aan wax gool ah laga dhalin ama aan shabaqooda la taaban. Ka hor kulankii 20-kii December ay A.Madrid la ciyaartay Malaga, waxay shabaqooda ilaaliyeen 453 daqiiq

.Atletico

B)Luis Enrique Ma sii wadi doonaa rekoodhkiisa boqolkiiba boqolka ah ee uu Atletico Madrid ka haysto?

Xili ciyaareedkii 2013/14 ayay kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid iska horyimaadeen lix kulan, laakiin Barcelona ayaa ku guuldaraystay in ay hal kulan garaacdo kooxda A.Madrid, taasina waxay ahayd mid ka mid ah sababihii ay Barca xili ciyareedka ugu dhamaystay gacmo madhan iyo koob la’aan.

Laakiin intii uu Luis Enrique la wareegay Barceona waxay sheekadu noqoday mid gabi ahaanba ka duwan sida aan ku soo xusnay qaybta sare, Enrique ayaa Barcelona xili ciyaareedkii hore u horseeday in ay Atletico Madrid laba jeer garoonkeeda ku soo garaacdo isla markaana ay laba jeer oo kale Camp Nou ku dubato.Enrique ayaa Barcelona uga soo aaray Atletico Madrid iyada Barca xili ciyaareedkii hore ay La Ligaha ku soo qaaday garoonka A.Madrid.Enrique

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa xili ciyaareekdii hore kulmay afar jeer afarta jeerba Barca ayaa guulaystay laba kulan waxay ahaayeen La ligaha halka labada kulan ee kale ay ahaayeen Cope Del Rey.Markale bilawgii xili ciyaareedkan iyo bishii September Barcelona ayaa 2:1 ku soo garaacday kooxda Simeone oo ay Calderon marti ugu ahayd. Sida aad qoraalkaba ka fahantay Enrique ayaan wali guuldaro ama barbaro kala kulmin Atletico Madrid, balse caawa rekoodhkaas ma sii wadan doonaa?.

C)Kulanka Barcelona iyo Atletco Madrid wuu ka badan yahay Saddex dhibcood, waxaa uu noqon karaa lix dhibcood?33

Luis Enrique ayaa sheegay in kulanka maanta ee Barcelona iyo Atletico Madrid in aanu waxba ka go’aamin doonin kooxda horyaalka Ku guulaysan doonta, laakiin waxaa hubaal ah in kooxda hesha saddexda dhibcood in ay ula dhigmi doonaan lix dhibcood.

Guul ay Barcelona gaadho waxay iskari doontaa iyada oo 3 dhibcood ka saraysa Atletico Madrid iyada oo waliba faa’iido u haysta kulanka Sporting Gijon ee u baaqday waqtigii ay Japan ku soo ciyaaraysay koobkii kooxaha aduunka, waxaana kulankaas la ciyaari doonaa bisha February, laakiin markale haddii ay Barcelona kulankan guulaysto isla markaana ay dhamaadka xili ciyaareedka isku dhibco noqdan Atletico Madrid iyo Barcelona, waxaa markaas koobka dhagaha qabsan doonta Barcelona marka la fiiriyo shaarciga horyaala La Ligaha, markaa hadii aan halka ugu yar ka soo qaadano waa kulan afar dhibcood lagu helayo.

D)Arda Turan vs kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.Arda Turan

Xidiga ree Turkey ayaa markii ugu horaysay ka hor iman doona kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, wuxuuna qirtay in uu qiiroon doono ka hor iyo kadib kulan laakiin maya marka ay ciyaartu socoto ayuu Arda Turan waraysi ku sheegay. Arda Turan ayaa noqoday ciyaartoy ay jamaahiirta A.Madrid si wayn u jeclaayeen , laakiin Arda Turan ayay noqon doontaa maalin khaas ah, sabbatoo ah waxaa iskugu soo biiray maalintii dhalashadiisa ee uu 29 jirsaday iyo in uu Camp Nou kaga hor iman doono koox qalbigiisa ku wayn.

Inkasta oo uu Arda Turan hargab iyo xumad uu ku seegay kulankii lugta labaad ee Copa Del Rey ayaa la filaya in uu taam buuxa u noqon doono kulanka ay kooxdiisa hadda ee Barcelona ay ka hor iman doonto kooxdiisii hore ee Atletioc Madrid.

Msn

Waxaan hore u soo sheegnay in Atletico Madrid ay xili ciyaareedkan tahay boqorada difaaca ugu fiican ee Yurub, laakiin galabta waxay imtixaan wayn kala kulmi doonaan weerarka saddex geesoodka ah ee MSN, kuwaas oo haddaba xili ciyaareedkan dhaliyay 71 gool. Messi, Suarez iyo Neymar, ayaa waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore dhaliyay 57 gool, waxayna dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ay dhaliyeen 122 gool, laakiin sida muuqata xili ciyaareedkan ayayba ka fiican yihiin oo waqtigan ayay dhaliyeen isku dar goolal ah 71 gool.MSN2

Luis Suarez ayaa haddaba Barcelona xili ciyaareedkan udhaliyay 30 gool oo tartamada oo dhan ah kuwas oo uu ku dhaliyay 31 kulan. Neymar JR ayaa 26 kulan ku dhaliyay 21 gool oo tartamada oo dhan ah halka Lionel Messi uu 20 gool ku dhaliyay 25 kulan, taas oo isku darka goolashooda tartamada oo dhan ka dhigaysa 71 gool. Waxaana la sugi doonaa waxa kala qabsan doona weerarka MSN iyo difaaca Atletco Madrid.MSN

Haddaba akhriste, kooxdee ayaad filaysaa in ay caawa guulaysan karto, adiga oo sababta raacinaya fikirkaaga balse micno badan samayn mayso haddii aad kaliya taageero ku qiimayso kulankan muhiimka ah. Fikrkaaga ayaad nagula wadaagi kartaa baraha Facebook, twitterka ama comments-ka caadiga ah ee hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip