Ra'iisul Wasaare Kheyre oo 24-saac kaddib ka hadlay qaraxyadii Muqdisho, kana tacsiyadeeyay…

0
Saturday March 02, 2019 - 01:23:44 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo 24-saac kaddib ka hadlay qaraxyadii Muqdisho, kana tacsiyadeeyay…

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo goor dhow ka hadlay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarkii Argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo goor dhow ka hadlay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarkii Argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray isbitaalada la geeyay dadkii dhaawacyada ahaa iyo goobtii ay qaraxyada ka dhaceen, waxaana uu ammaanay Ciidamada Amniga dadaalkii ay sameeyeen.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay galeen guri dad shacab degan yihiin, waxaana uu intaa ku daray in illaa 35 ruux oo shacab ah ay Ciidamada soo badbaadiyeen.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in dadka dhaawacyada ee xaaladooda wax looga qaban waayo Isbitaalada Muqdisho caafimaad dibadda ah loo qaadayo.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid 24 saac kaddib weerarkii xalay lagu qaaday dhismayaasha ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo si weyn loogu dhaliilay Madaxda dowladda in aanay ka tacsiyadeyn dhibaatooyinkii shacabka soo gaaray, halka ay si degdeg ah uga tacsiyadeeyaan weerarada dalalka dibadda ka dhaca.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip