Neymar Oo Muuqaal Ku Aflagaadeeyay Suxufi Sheegay Inuu Habeenkii Khamiista Ku Soo Casheeyay Madrid.

0
Saturday January 30, 2016 - 13:40:25 in Sports News by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Oo Muuqaal Ku Aflagaadeeyay Suxufi Sheegay Inuu Habeenkii Khamiista Ku Soo Casheeyay Madrid.

    Xiddiga kooxda Barcelona Neymar ayaan si sahlan ku qaadanin warkii uu ka sheegay suxufiga idaacada Cadena Copa ninka la yiraahdo Manolo Lama kaasoo sheegay in xiddiga reer Brazil uu ku soo casheeyay Madrid habeenkii khamiista.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga kooxda Barcelona Neymar ayaan si sahlan ku qaadanin warkii uu ka sheegay suxufiga idaacada Cadena Copa ninka la yiraahdo Manolo Lama kaasoo sheegay in xiddiga reer Brazil uu ku soo casheeyay Madrid habeenkii khamiista.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa muuqaal soo dhigay bogiisa snapchat halkaasoo uu ugu jawaab celiyay suxufiya idaacada Cadena Cope ee dalka Spain.

 

"Manolo Lama, waxaad sheegtay shalayto inaan joogay Madrid. Runta haddii aan ka hadlo waxaad tahay doqon.”

Muuqaalka waxaa la socday qoraal ahaa: "Waxaan fariin u dirayaa suxufiga ku hadla waxyaabo qashin ah.”

Sida ku cad muuqaalkiisaan Neymar ayaan ku faraxsaneyn warkaas uu ka sheegay suxufiga ee ah inuu ku soo casheeyay Madrid, waxaana ay arintaas ku soo beegmeysa xilli Neymar lala xiriirinayo kooxda boqortooyada ee Los Blancos.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip