Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii is qarxinta ee xalay ka dhacay Muqdisho

0
Friday March 01, 2019 - 21:23:31 in Wararka by
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii is qarxinta ee xalay ka dhacay Muqdisho

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay weerarradii is qarxinta ee xalay ka dhcay magaalada Muqdisho.Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, oo warba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay weerarradii is qarxinta ee xalay ka dhcay magaalada Muqdisho.Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen sida uu hadalka u dhigay dad Soomaaliyeed oo ku sugan Meheradahooda iyo Guryahooda. Wasiirka oo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehelada Dadkii weerarradaasi ku waxyeelloobay, ayaa mar kale ka tilmaamay in ujeeddada falkan aga leeyahay tahay in Qof haysta danahiisa caadiga ah la dhaafiyo Ummaddana lagu beero qal-qal.



Wasiir Geelle, ayaa sheegay in ay Al-shabaab beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo dadkaasi dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan dalkooda.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa.

Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

 



 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip