Ciidamada dowladda oo soo badbaadiyay dad da'ah oo ku go'doonsanaa dhismayaashii xalay la weeraray

0
Friday March 01, 2019 - 20:59:56 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo soo badbaadiyay dad da'ah oo ku go'doonsanaa dhismayaashii xalay la weeraray

    Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay qaar ka mid ah dhismayaashii ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii xalay weerarka ku qaaday hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda ayaa gudaha u galay dhisme ka agdha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay qaar ka mid ah dhismayaashii ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii xalay weerarka ku qaaday hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda ayaa gudaha u galay dhisme ka agdhawaan hotelka oo ay ku noolaayeen dad rayid ah, iyaga oo halkaa ka soo saaray carruur iyo dad waayeel ah oo ilaa iyo xalay la nolaa rasaasta culus iyo qaraxyada ay is weydaarsanyeen ciidamada dowladda iyo dableyda weerarka soo qaaday. Sawirro laga soo qaaday dhismaha ay gudaha u galeen ciidamada dowladda ayaa muujinaya sida ay gurigu u saameeyeen rasaasta culus oo ay dhinacyada iska soo horjeeda is weydaarsanayeen.

Labo qarax oo kale iyo rasaas culus ayaa goor dhow ka dhacay goobta uu weerarku ka socdo, iyadoo ciidamada dowladu ay weli la tacaalayaan qaar ka mid ah dableyda oo iska caabin sameynaya.

Waxaa xaalad kacsanaan ah wali ka jirta magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama, waxaana qeybo badan oo laamigaasi xiray kuna sugan ciidamada amaanka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip