Shirkan oo ah kii 12aad ee noociisa ah ee ay qabato madasha Wadajir, ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka socay hey’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed iyo hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda Caalamka ee IOM.

Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug, Maxamuud Maxamed Samatar (Durraan), Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeele, Cabdikariim Cali Nuur iyo Agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ku hadlay Afka ka qeyb galayaasha shirka ayaa tilmaamay inay dhaqan galinayaan qorshaha lagu dajiyay iyo qodobada la isku raacay ee war murtiyeedkii shirka.

Ugu dambeyn, shirka ayaa laga soo saaray Toban qodob oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa dar-dar gelinta dhismaha Golayaasha degaanka, dhaqan gelinta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka, sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo xasilinta Dalka.