Daawo: Xasan Sheekh iyo Dhalinyarada Xisbigiisa oo gurmad u tagay Isbitaalada Muqdisho

0
Friday March 01, 2019 - 20:37:54 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan Sheekh iyo Dhalinyarada Xisbigiisa oo gurmad u tagay Isbitaalada Muqdisho

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa gurmad u tagay Isbitaalada Muqdisho, halkaasoo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa gurmad u tagay Isbitaalada Muqdisho, halkaasoo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay qaraxyada, kaddib markii Isbitaalada qaar ee la dhigay dhaawacyo ay dalbadeen in loo baahan yahay dhiig loo shubo dadka dhaawacmay oo aad u dhiig baxay.

Sidoo kale waxaa Xasan Sheekh wehliyay dhalinyarada Xisbigsa UPD, kuwaasoo iyana ka qeyb galay gurmadka dadka dhaawacyada ah.

Xasan Sheekh oo wariyeyaasha kula hadlayay Isbitaalka Digfeer ayaa sheegay in loo baahan in loo midoobo cadawga diidan jiritaanka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in qaraxa uu yahay mid Qaranka oo dhan ka dhacayay, oo aan si gaar ah Mas’uul loogu eedeyneyn, loona baahan yahay sidii loogu midoobi lahaa.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip