Qaraxyo Iyo Rasaas Weli Laga Maqlayo Dhismo Ku Yaalla Muqdisho

0
Friday March 01, 2019 - 19:59:16 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Iyo Rasaas Weli Laga Maqlayo Dhismo Ku Yaalla Muqdisho

    Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso dhismaha lagu magacaabo Shideeye oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay qarax xoogan. Qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in gabi ahaanba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso dhismaha lagu magacaabo Shideeye oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay qarax xoogan. Qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in gabi ahaanba uu bur buriyay dhismaha Shideeye oo barqanimadii maanta halkaasi Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay ka soo badbaadiyeen dad rayid ah.

 
Weerar ku bilowday qaraxyo oo xalay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Maqaayadda Hilaac UK ee Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro aad u badan,iyadoo ilaa iyo haatan la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo dhaceysa.

Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u soo afjari lahaayeen howlgalkaan qaatay mudo ku dhow 20 Saacadood,isla markaana waxaa halkaasi ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada.

Xaaladda Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay iyo haatan kacsan,waxaana mararka qaar laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip