Faafaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhaawac iyo midka dhimasho ee weeraradaasi ka dhashay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dhaawacyada kor u dhaafayaan 30 ruux, halka dhimashada lagu qiyaasayo ilaa 20 ruux, maadaama goobta ay wax ka dhaceen ay aheyd meel saxmad badan.

Al-shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyada falkaan, oo noqonaya mid kamid ah kuwii ugu cuslaa oo ka dhaca caasimada sanadkaan.