Howlgalo ka socda dhismayaasha ku dhow Hotel Maka Al-Mukarama iyo rasaas la maqlayo

0
Friday March 01, 2019 - 19:31:56 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgalo ka socda dhismayaasha ku dhow Hotel Maka Al-Mukarama iyo rasaas la maqlayo

    Ciidamada Ammaanka ayaa howlgalo ka wada dhismayaashii xalay la weeraray ee qaraxyada ba'an ka dhaceen, kaasoo burbur lixaad leh uu sababay. Inkastoo xaalada ay haatan degan tahay, hadana waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka imaanaya dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka ayaa howlgalo ka wada dhismayaashii xalay la weeraray ee qaraxyada ba'an ka dhaceen, kaasoo burbur lixaad leh uu sababay. Inkastoo xaalada ay haatan degan tahay, hadana waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka imaanaya dhismo ku dhegan Hotelka Maka Al-Mukarama. Ciidamada ayaa tan iyo xalay saqdii dhexe la dagaalamayay dableyda hubeysan ee gudaha u galay dhismo dad rayid degenaayeen oo ku dheganaa Hotelka Maka Al-Mukarama.

Hey’addaha ammaanka si rasmi ah uguma dhawaaqin in howlgalka la soo gabagabeeyay, waxaana saraakiisha ammanka ay tilmaameen inay weli ku howlan yihiin xaqiijinta goobaha qaraxyada ka dhaceen oo ah mid aad u burbursan.

Ragga hubeysan ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qaldeen bartilmaameedkooda, iyagoo galay guri dad rayid degenaayeen

Wararka ayaa sheegaya in la soo badbaadiyay dad rayid ah oo ku go’doonsanaa dhismo u dhaxeeyay Hotel Maka Al-Mukarama iyo Maqaayadda Hilaac UK.

In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada xalay gilgilay wadada Maka Al-Mukarama, waxaana ay sababeen burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismayaasha ka ag Hotelka Maka Al-Mukarama oo isna qeyb ka mid ah burbur xooggan soo gaaray




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip