Maxkamad Go'aan ka gaartay Kiis kufsi ah oo ka dhacay Guriceel

0
Thursday February 28, 2019 - 00:10:24 in Wararka by
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Go'aan ka gaartay Kiis kufsi ah oo ka dhacay Guriceel

    Maxkamada degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa Go'aan waxa ay ka gaartay kiis kufsi ah oo degmadaas loogu geystay bil ka hor Gabar yar oo lagu Magacaabo Roodo Nageeye. Kiiskaas Kufsiga ah ayaa waxaa loo soo qabtay Afa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa Go'aan waxa ay ka gaartay kiis kufsi ah oo degmadaas loogu geystay bil ka hor Gabar yar oo lagu Magacaabo Roodo Nageeye. Kiiskaas Kufsiga ah ayaa waxaa loo soo qabtay Afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey,waxaana Maxkamada Degmada Guriceel ay midkiiba ku xukuntay Xabsi lix bilood ah.

Dhalinyarada oo Maxkamad la soo taagay ayaa laba ka mid ah qirteen halka labada kale ay sheegeen inay kala Shaqeeyeen in Gabadha Guri la geeyo lana heshiiyeen,waxaana ay meesha ka saareen in uu kufsi ka dhacay,iyaga oo lagu dhaariyeyKitaabka Qur’aanka Kariiimka ah.
 

Dhinaca kale labada Wiil ee Xukunka lagu riday min lixda bilood ee dambiga qirtay ayaa waxaa u dheer min Boqol Jeeyday sida uu Fadhiga ka sheegay Guddoomiyaha Maxkamada degmada GuriceelSheekh Maxamuud jimcaale.

 
Ugi dambeyn Goobta Maxkamada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Aabaha dhalay gabadha,waxaana uu sheegay in uu ku qanacsan yahay xukunka ay riday Maxkamada Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip